6 Dabeecadood Oo Haweenka Ay Lasoo Baxaan Oo Ragga Ka Fogeeya

Waxaan idiin soo gudbineynaa 6 dabeecadood oo haweenka ay lasoo baxaan balse ka foogeeya ragga.

  1. Qeylo xad dhaaf ah

Haweeney cabasho badan mar kasta way ku adkaan doontaa inay ilaashato ama heysato nin faraxsan, waxaa macquul ah inuu xoogaa u dulqaato qeylada balse marka dambe uu ka tago sababtoo ah ragga ma jecla haweenka qeylada usaaxiibka ah.

  1. Mar walba isla saxan

Haweeneyda had iyo jeer isla saxan balse seygeeda uu heysata inuu qaldanyahay waa tan cilladaha badan, haweeneyda noocaas ah way ku adkaan doontaa inay hesho xiriir kalgacayl ku dhisan dhaqankeeda xun dartiis.

  1. Cabasho

Waxaa jira haween leh dabeecad cabasho tiro badan kuwaas oo aanan xittaa wax yar ku samreyn haweenka noocaas ah way adkaan doontaa inay heystaan xiriir wanaagsan.


  1. Way adagtahay in laga farxiyo

Haweenka leh dhaqanka qalafsan ee ay adagtahay in laga farxiyo ma ahan kuwo wanaagsan, ragga waxay dareemaan farxad iyo qanacsanaan marka ay ilaalin karaan farxadda haweenkooda, way jecelyihiin markay ka qosolsiin karaan haweenkooda, si kastaba haweeney ay adagtahay in laga farxiyo oo aananba dhoolla cadeyneyn way adagtahay inay heysato guur farxad leh.

  1. Xukun

Haweenka leh dabeecadda inay ragga ilalaiyaan waxay la kulmaan burbur ku yimaada guurkooda sababtoo ah ragga ma jecla in xoriyadda laga qaado waxay jecelyihiin inay xoriyad siiyaan haweenkooda oo ay kalsooni tusaan.

  1. Booska nolosha

Nin kasta wuxuu rabaa inuu dareemo inuu yahay mudnaanta koowaad ee nolosha xaaskiisa; wuxuu doonayaa inuu boos weyn ku yeesho nolosheeda isla markaana uu noqdo kan koowaad, haweeney aanan ninkeeda muhiimad siinin waxay u badantahay inay weyn doonto; wuxuu raadsanayaa qof kale uu dareemayo inay rabto.


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button