5 Nooc Oo Haweenka Kamid Ah Oo Loo Baahanyahay Inaysan Waligaa Kaa Fakan

Waa noocee haweeneyda lagaaga baahanyahay inaysan kaa fakan oo aad ku dhagtid?

Haweeney toosan oo daacad ah

Mid kamid ah noocyada haweenka oo ay tahay inaysan kaa fakan  ayaa ah tan daacadda ah, kuwa aanan kugu ciyaarin.

Dhab ahaantii, ma jiraan wada sheekeysi kala dhexeeya nin ay horey u kala tageen, ma jiro nin ay saaxiib la tahay way caddeysaa in adiga kaliya aad tahay nin ay leedahay.


Haweeneyda noocaas ah waa tan nolosha kula qeybsaneysa, ha iska deynin.

Haweeney aad sirta ku qarsan kartid

Haweeneyda aad sirta ku qarsan kartid waxaa hubaal ah inay tahay qofka kugu habboon, haweeney siraha lagu qarsan karo aad ayay u yartahay haddii aad heshay yeysan kaa fakan.


Sidoo kale haddii aad wax badan  ku aamintay oo aysan waligaa ku qiyaanin, waa sifo lagu garto.

Haweeneyda shuruud la’aan ku jecel

Jacaylka shuruud la’aanta ah waa dhif sida dahabka oo kale ah, haweeeny kasta oo ku jecel jacayl shuruud la’aan ah ama aanan wax ku xirin waxay uqalantaa daacadnimaada iyo dhaqan wanaagsan, waligaa ha xumeyn oo yeysana kaa fakan.

Haweeney qalbi jilicsan

Mid kamid ah noocyada haweenka ee loo baahanyahay inaysan kaa fakan ayaa ah tan qalbiga jilicsan oo naxariista badan,haweeneyda noocas waxay u baahantahay naxariis yo kalgacayl waa inaad ilaashataa oo qalbiga aadan ka jabin waa inaad madaxa saarataa oo sidii ukun aad u dhowrtaa sababtoo ah waa dhif iyo naadif inaad heshid haweeney qalbi jilicsan oo naxariis badan, waxa kaliya ee ay u baahantahay ayaa ah jacaylkaaga, waana haweeneyda mudan in noloshaada inta ka dhiman aad la qaadatid.

Haweeneyda dadaalka badan oo aan kibir lahayn

Miyay gabadhaada tahay mid dadaal badan oo aan kibir badnayn?

Haddii ay tahay mid dadaal badan oo xushmad badan, waligaa ilaasho oo dusha saaro waa haweeney karti iyo dadnimo leh, waana haweeney Sharaf iyo qiimo leh, waxaa jira haween badan oo raadiya nin si ay dhaqaalaha kaliya uga cunaan oo aanan lahayn waji kale balse tan dadaalka badan waxay kaaga baahantahay garab istaag, gacan siin iyo dhiiri galin waayo adiga xittaa Sharaf ayay kuu tahay inaad xaaskaaga oo halgameysa aad gacan qabatid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button