8 Nooc Oo Ragga Kamid Ah Oo Haweenka Ay Aad U Necebyihiin (Maka Mid Tahay Ninyohow?)

Wax ka baro 8 nooc oo ragga kamid ah oo haweenka ay necebyihiin.

  1. Mr ‘YES MAN’ ama nin aanan go’aan lahayn

Ma filan kartid jacaylka gabdha  haddii aad tahay “Mr Yes Man”, gabar kasta waxay jeceshaahy go’aan leh, ku darso way ku isticmaaleysaa si ay kaaga guul gaarto hadafka aad leedahay haddii tahay nin haye wax kasta dhaho, marnaba masoo jiidaneysid haddii aad tahay “Yes man”.

  1. Ninka muranka badan

Qaar kamid ah ragga waxay jecelyihiin muranka aanan dhammaadka lahayn iyagoo ku raaxeysta ku guuleysiga muran kasta balse xaqiiqda dhabta ah ayaa ah inaad haweenka kusoo jiidaneyn dhaqankaas, haweenka waa necebyihiin ragga muranka aan dhammaaneyn.

  1. Nin liida haweenka

Ma jirto haweeney jecel nin mar kasta raadiya fursad uu ku liido haweenka, haddii aad dabeecaddaan leedahay ogoow inaadan dumarka soo jiidan doonin, haweenka waa necebyihiin ragga dareensiiya inay sariirta ama meelo kale ku liitaan amaba liida.


  1. Ninka la saadaalin karo

Aa ayay u fududahay in ragga qaar la saadaaliyo, waad ogtahay waxay rabaan in subixii ay cunaan, waxa ay rabaan inay ka hadlaan waa caajis in lala joogo rag la saadaalin karo sida lagu sheegay cilmi baaris, isku day inaad noqoto nin aanan la saadaali Karin haddii aad tahay nin la saadaalin karo sababtoo ah haweenka kama helaan ragga noocaas ah.

  1. Ninka sida ciyaalkii u dhaqma

Qaar kamid ah ragga ayaa u dhaqma sidii caruurta waana jahwareer iyo wax ay haweenka dhibsadaan, haweenka ma jeclo ragga u dhaqam qaabka caruurta, haddii aad rabtid inaad noqoto nin soo jiita oo haweenka ay ka helaan waxaad u baahantahay inaad noqoto nin wanaagsan.

  1. Ragga beerjileeca ka raadiya haweenka

Ragga qaarkood waxay jecelyihiin beer jileeca waana dabeecad ay haweenka necebyihiin, kalsoonida iyo maamulka ninka ragga ah waa wax qurux badan waxaadna u baahantahay inaad ogaatid tan hadaad rabtid in haweenka aad soo jiidatid.


  1. Ninka hadalka badan balse aan ficilka lahayn

Qaar kamid ah ragga waxay ku wanaagsanyihiin hadalka oo ay kusoo jiitaan haweenka balse dhibaatada ayaa ah haweeneyda lama sii joogeyso muddo dheer marka ay ogaato inuu afka ka macaanyahay balse uusan ficil lahayn, haweenka aad ayay u necebyihiin ragga aanan hadalka ka dhabeyn.

  1. Ninka dhaqanka xun

Ragga qaarkood waa kuwo aad u dhaqan xun, haweenkana waa necebyihiin taas, waa inaad barataa dhaqanka wanaagsan haddii aad rabtid inaad haweenka soo jiidatid, haweenka six xun ha ula dhaqmin hana ula hadlin markaas kadib ayaad noqon doontaa nin ay ka helaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button