9 Waxyaabood Oo Ay Tahay In Intabadan Aad Ku Dhahdid Xaaskaaga Aad Jeceshahay

Waxaan idiin soo gudbineynaa 9 waxyaabood oo waajib kugu ah inaad ku dhahdid lamaantaada intabadan.

  1. Siday ahayd maalintaada?

Tan mar kasta waa mid muhiim ah, weydiinta lamaantaada sida ay ahayd maan\lintaas shaqadeeda iyo wax kasta oo ay qabatay waxay tuseysaa inaad jeceshahay taasina waa fariin muhiim ah oo xiriirka xoojineysa.

  1. Waa aragti qurxantahay

Tani waa mid ay dhoola cadeyneyso marka aad ku dhahdid, gaar ahaan marka ay qalbigaaga kasoo go’day, waa inaad lamaantaada u sheegtaa sida layaabka leh ee ay u egtahay sababtoo ah waa wax ay kaa filayso.

  1. Waan jeclahay marka adiga…

Waa in sidoo kale aad u sheegtaa lamaantaada in waxyaabaha ay sameyso oo adiga kaa farxiya, ama wax kuu sameysay oo aad jeclaatay, tani waa wado kale oo aad ugu muujineysid qadarin.


  1. Waanka xumahay

Ma jiro wax ka wanaagsan in qalad aad sameysay aadka raallin galiso gacalisadaada, raali geli oo qiro dambigaaga, waanka xumahay waxay badbaadineysaa xirirka iyadoo xalineysa muranka.

  1. Waanku jeclahay

Haddii gacalisadaada ay kugu weyntahay isla markaana boos weyn ay ku leedahay qalbigaaga dabadeed ku dheh waanku jeclahay oo intabadan haka caajisin inaad tiraahdid.

  1. Waadku mahadsantahay waxaas…

Tusi lamaantaada sida aad u qadarineyso waxyaabaha muhiimah ee ay qabatay, ku qiimeey lamaantaada waxyaabaha ayr yare e ay sameyso sida cunnada, sidoo kale ku caawi howsha guriga taas waxay tuseysaa inay agtaada ku weyntahay.


  1. Waankuu xiisay

Waxaan filayaa in lamaantaada aad u sheegtid sida aad ugu xiistay ay tahay qeyb kamid ah jacaylka, sida marka ay joogto shaqada ama adiga aad shaqo uga maqantahay, u sheeg qofka kugu weyn inaad u xiistay adigoo farriin usoo diraya, maalintaas maalin qurux badan ayay u noqoneysaa.

  1. Waxaa tahay dookheyga/ qofkaan ku daydo

Shid jacaylkaaga, u sheeg lamaantaada inay tahay dookhaaga, usheegidda sida ay kuugu weyntahay waxay dareensiineysaa gacaltooyo iyo qiimo.

  1. Soo jiidasho

Marnaba haku guul dareysan in lamaantaada aad u sheegtid inay tahay qof soo jiidasho leh, reeynreyn ha dareento xaajiyadda, amaan labiskeeda, jirkeeda iyo muuqaalkeeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button