Haweeney Sabab Yaab Leh Xubinta Taranka Uga Jartay Ninkeeda Oo Hurdaya - Aayaha

Haweeney Sabab Yaab Leh Xubinta Taranka Uga Jartay Ninkeeda Oo Hurdaya

Haweeney u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Rehema Kabayana, ayaa xubinta taranka ninkeeda uga jartay midida nooca jikada ee qudaarta iyo hilibka lagu jarto xilli uu hurdaayay.

Haweeneyda oo 24 jir ah ayaa sababta ay ninkeeda uga jartay xubinta taranka waxaa ay tahay kadib markii ay uga shakisay qiyaano maadaama uu bilaabay in baararka lagu caweeyo utago si isadaba jog ah, halkaas oo la sheegay inuu kula haasaawo gabdho kale oo ku nool magaalada Mukono ee dalka Uganda.

Wargeysa News Vision, ee kasoo baxa magaalada Kampala ayaa saraakiisha booliiska kasoo xigtay, Anthony Sekewa oo ahaa 28 jir in haweeneyda ay sugtay illaa uu ka hurdo kahor inta aysan xubinta taranka ka jarin.

Haween kale oo ah kuwa ku caweeya baarka ayaa haweeneyda u sheegay in Sekewa ay arrimo kala dhexeeyaan haweeney kale.

Kabayana ayaa Sekewa intaas kadib waxay xubintiisa raganimo uga jartay middi dhirirkeeda yahay Afar inji, waxana Sekewa iminka lagu dabiibayaa cisbitaal kuyaala magaalada Kampala.

Haweeneyda falkaan geysatay ayaa booliiska ku tiri sidatan “Waxaan helay in si qarsoodi ah uu ula haasaawayay haween kale oo kusugnaa baarar kala duwan, tani aad ayay iiga careysiisay, si xun Ayaan u careysnaa mana raaxeysan Karin,”.

Rehema Kabayana, ayaa iminka ku xiran saldhigga booliiska Mukono iyadoo loo heysto isku day dil.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button