Gabaryahay Gacaliyahaaga Ka Ilaali Hadalladaan Ma Wanaagsana Haddii Kale….

Marka uu sal dhigto xiriirka aad laleedahay ninka aad sida dhabta ah u jeceshahay maxaad hadallo xun ugu burburineysaa oo si fudud looga weecan karo?

Aayaha Online, ayaa waxa ay idiin soo gudbineysaa 10 waxyaabood oo ay tahay in Haweeney kasta iska ilaaliso inay ku dhahdo ninkeeda.

“Hooyadeey ayaa iiga digtay inaad sidan iyo waxaan aad sameyneysid

Ma fiicno inaad Seygaaga u isticmaashid fikirka dad kale ama wax ay dad kale kuusoo yeeriyeen,xitta haddii ay Hooyadaa saxantahay si toos ah ugu sheeg hooyadaa hasoo qaadan.


“Haddii aad ijeceshahay waad iisameyn lahayd…”

Ma wanaagsana inaad muujisid dhibse malahan sida aad ku dhameysid.

“Ninkeygi hore ayaa waxan iisameyn jiray ee maxaad iigu sameyn la’dahay?”


Waxaad si fudud ugu sheegeysaa sida aad ula meel dhigeysid nin hore ama saaxiib hore oo aad kala tagteen qofna ma rabo in qof hore lala meel dhigo.

“Ma iisameysay?”

Waa Su’aasha ugu xun ee la weydiiyo Seygaaga ama Ninkaaga kadib waqtiga sariirta waxayna dhaawaceysaa dareenkiisa.

“Iskuma kalsoonid”

Seygaaga wuxuu noqon karaa mid aanan aad iskugu kaslooneyn gaar ahaan markii aad adiga tahay qof shidan oo aad u macaan basle inaad inaad u ku tiraahdid iskuma kalsoona sina uma caawineyso.

“Dhib ha u fahmin waa ninkeygii hore”

Inaad u sheegtid in uu yahay ninkaagii ama saaxiibkaa hore waxba sooma kordhineyso balse wuxuu la yaabayaa waxa uu ninkaaga hore hadda kuusameynayo.

“ Dhib malahan weyninkiisa”

Haku dhibin taas sababtoo ah haddii weyninka ama dhirirka uusan dhib lahaan lahayn uma aadan sheegteen mana kala hadasheen.

“Waxan lasoo haasaaway rag wanaagsan”

Tani marnaba hasoo qaadan haddii kale xiriirkaas wuu soo gaba gaboobayaa, marnaba yeysan afkaaga kasoo bixin hadalkan oo kale,

“Wax qaldan malahan”

Ninkaaga ma ogaan karo waxa kujira maskaxdaada marka haddii uu ku weydiiyo waxa aad la murugooneysid, fadlan usheeg oo ha isticmaalin wax qaldan malahan oo waxba ma jiraan.

“Kaligeey Ayaan waqti u baahanahay”

Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya inaad waqti kaligaa u baahatid , marka waqti inaad kaligaa u baahatid waxay ka dhigantahay inaad rabtid furriin marka maxaadan ugu sheegeyn intii aad qarin lahayd, wuu ku qanacsanaan lahaa haddii aad si cad ugu sheegi lahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button