UGAAR AH DUMARKA: Ninka Sida Dhabta Ah Kuu Jecel Marnaba Ma Sameynaayo 7-daan Waxyaabood

Waad sameyn kartaa qaladaad xittaa markii aad qof jeceshahay balse waxaa jira waxyaabo uusan ninka sameyneen haddii uu si dhab ah u jecelyahay haweeney.

Hoos ka aqriso 7 waxyaabood uusan ninka sameyn doonin haddii uu si dhab ah kuu jecelyahay.

1- Kuma qiyaanayo

Nin si dhab ah ujecel naag marnaba ma qiyaanayo, waxuu had iyo jeer hubinayaa inuusan naftiisa galin xaalad u horseedeysa inuu ku qiyaano xittaa hadii uu qarka u koro arrin keeni karta qiyaano ninka sida dhabta u jecel lamaantiisa wuuka hortagayaa si jaceylka uu u guuleysto.

2- Kuulama dhaqmaayo si aadan u qalmin ama aadan istaahilin.


Ninka sida dhabta ah kuu jecel kaagama fogaanayo sabab la aan, qof kasta waa mashquul balse haddii uu ninka si dhab ah kuu jecelyahay wuxuu had iyo jeer ku dadaalayaa inuu kula socdo ama uu kula joogo iyadoo uu jiro jadwalka mashquulkiisa.

3 – Sirahaaga qof kale uma sheegayo.

Ninka sida dhabta ah kuu jecel sirahaaga lama wadaagayo qof kale, waxa uuna sirahaaga u ilaalin doonaa si qaas ah isagoo aanan cid kale la wadaagin.

4- Wax walba adiga ayuu kaasoo hormarinayaa.

Ninka sida dhabta ah kuu jecel ama jecelka uu daacad ka yahay waxa uu ku siinayaa mudnaanta koowaad wax walbana adiga ayuu kaasoo hormarinayaa, ninka aann ku siinin mudnaanta koowaad ee had iyo jeer dib kuu dhiga waxaa hubaal ah inuusan ku jecleyn halka ninka sida dhabta ah kuu jecel uu mudnaanta koowaad ku siinayo wax walba oo adag.

5 – Ma xushmad dareynayo qoyskaaga iyo saaxiibadaa.

Haddii uu ninka si dhab ah kuu jecelyahay marnaba ma xuahmad dareynayo qoyskaaga iyo saaxiibadaa si walba oo ay xaaladda ugu xuntahay haddii uu dhab ka yahay jaceylka dhankaas wuu ilaalinayaa mana ku xad gudbaayo.

6 – Culeys kuma saarayo si kasta

Cadaadis ama culeys kuguma saarayo sameynta wax aadan dooneyn inaad sameysid, ogoow kuma jecla haddii uu kugu cadaadiyo ama kugu qasbo inuu kuu galmoodo ama kugu qasbo inaad sameysid wax aadan dooneyn inaad sameysid.

7- Kaama niyad jabinaayo riyooyinkaaga

Haddii uu ninka si dhab ah kuu jecelyahay marnaba kuma weydiinaayo inaad ka niyad jabtid riyooyinkaaga, Waxaa hubaal ah inuusan ku jecleyn haddii uusan kugu taageerin Goolasha iyo riyooyinka aad dooneysid inaad hiigsato.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button