5 Qaab Oo Lagu Ogaado In Gacaliyahaaga Uu Si Dhab Ah Kuu Jecelyahay

0

Waan fahamsanahay sida aad dareemeysid markii aad la joogtid nin aadan hubin inuu ku jecelyahay.

Xaqiiqda ayaa waxa ay tahay waxaa jira qaabab uu kuugu muujiyo inay dhab ka tahay marka haddii aad aragtid isagoo sameynaya qaar kamid ah tilmaamahan waxaa jirta fursad weyn oo muujineysa inay daacad ka tahay marka gabdhayahoow aqriya oo la socda arrimahan soo soca.

1.Bandhigiisa banaanka

Haddii uu jacaylkiisa kusoo bandhigo bannaanka isagoo gacanta kaa qabsanaya kadib ogoow waaka dhab waana ku jecelyahay waxay muujineysa inaad ka go’antahay oo uu ku jecelyahay.

Inuu ku ammaano

Haddii uu daacadyahay  banaanka ayuu kugu ammaanaya waqti kasta uu fursad helo ama ay u suurta gasho wuuku ammaanayaa marka uu la joogo saaxiibadiis.

Waxa uu kuu wadayaa bannaanka ama soo hawa qaadasho iyo dalxiis isagoo kuu muujinaya kalgaceylka uu kuu qabo marka intabadan cidlo kaagama tagayo.

Wuu wal walaa marka uu waayo wicitaankaaga

Haddii uusan kaa walwalin kama wal walaayo sida aad dareemeysid ama caafimaadkaaga uu yahay marka haddii uu daacad ka yahay jaceylka wuu wal walaa marka uu wicitaankaaga waayo isaga Ayaan kusoo wacaa oo ku weydiinaya sida ay ku dhacday iyo waxa kugu dhacay.

Had iyo jeer waad ogtahay halka uu jiro

Haddii uu ninkaaga kuu sheego Meesha uu usocdo isla markaana Meesha uu kuu sheegay uu markasta tago kadib ogoow waaka dhab waana ku jecelyahay marka ma jirto sabab uu uqariyo ama uu uga been sheego halka uu aadaayo.

Magaca uu kuu yeero bannaanka

Haddii magacaaga kuugu yeero bannaanka  kadib xaalka ma fiicno oo wuu iskala weynyahay inuu magac gacaltooyo kuugu yeero balse haddii uu kuu yeero saaxiibteey  xaaskeyga Sharaf qaali macaanto iyo wax lamid ah waa daacad marka haddii uu kuu yeero magac weyn ogoow niyaddiisa ayaa degantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here