13 Xikmadood oo dhadhan u yeela xiriirka Lamaanaha

1. Jacaylka ma ahan inta jeer ee aad tiraahdid waanku jeclahay balse waa inta jeer ee aad caddeysid inuu dhab kaa yahay.

2. Marka aad si dhab ah qof u jeceshahay, marnaba kama caajiseysid qofkaas.

3. . Gabdhayahoow qaaliga ah, ragga oo dhan idinkama oohisiiyaan, waxaa jira ninka sida boqoradii oo kale kuu kool koolin doona.

4. Sida uu kuula dhaqmo waa sida uu kuu dareemo.


5. Daacad aad u noqotid haweeney waa tan ugu sahlan ee loogu guuleysto qalbigeeda.

6. Haddii laba qofood ay si dhab ah isku jecelyihiin, waxay helaan qaab uu ku shaqeeyo jacaylkaas.

7. Waa inaan xasuusanaa in dhihidda oraahda “I Love You” oo kaliya ay tahay bilaaw, waxaan u baahanahay inaan dhahno, micno u yeelno isla markaana aan muujinno.


8. Haddii aad qof jeceshahay waxaad u sameyn doontaa waqti.

9. Ragga oo dhan isku mid ma ahan , waxaa jira rag wanaagsan oo garanaya isla markaana og qiimaha ay ku fadhido haweeneyda wanaagsan.

10. Qofka kuu hamuun qaba dadaal ayuu sameeyaa, qofka ku jecelna kuma qiimo tiraayo.

11. Jooji ka walwalidda waxa qaldama oo ku farax waxa saxma.

12. Jacaylka ma ahan, dhaawaca waa inaad la joogtid qofka aanan kugu habooneyn, haddii qofka uusan kugu dhaqmi karin si wanaagsan qofkaas kuuma qalmo.

13. Wax ka qurux badan oo kasoo jiidasho badan majiro oo aanan ahayn ninka ku kalsoonaada xaaskiisa dhib malahan sida ay haweeney badan u soo jiitaan, dhagihiisa iyo gacmihiisa waxay baaqi ku yihiin naagtaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button