5 Qalad Oo Halis Ah Oo Haweenka Ay Ku Sameeyaan Guurka

Xirii kasta waxaa uu leeyahay sara u kac iyo hoos u dhac marka laga rebo guurka, qaladaad yar yar oo la sameeyo marka la is guursado kadib ayaa keena isabedel halis ah oo keeni kara in la isfuro.

Hoos ka aqriso qaldaadka ugu halista badan oo haweenka ay sameeyaan xilliga guurka.

1- Isbar bar dhigid

Ninkaaga ama seygaaga marnaba lameel madhigi kartid ninkaaga hore ama saaxiibkaa hore, isla bar bardhigidda waa ciyaar uusan qofna waligiis ku guuleysan waxayna dumineysaa guurkaaga, la bar bardhigidda seygaaga niman kale waxay ku keeneysaa inuu isdhaho kuma filnid waxayna sidoo kale keeneysaa inuu raadsado qof kale oo qiimeysa.


2- Inaad diiradda saarto caruurta kaliya.

Markii ay haweeneyda dhasho caruur waxyaabaha isbedela waxaa kamid ah inay dareenkeeda ama qalbigeeda siiso caruurta  waa ay wanaagsantahay inaad caruurta jeclaatid oo aad ka taxadartid balse waa inaadan siinin jaceylkaaga dhan oo aad xasuusnaataa seygaaga oo kuu baahan.

3- Dayacaad


Xasuuso sida adag ee aad u raadisay ninkaaga wanaagsan xilligaa shukaansan jirtay nasiib darro haweenka waxaa oo dhan wey iloobaan markii ay guursadaan ninka ay jecelyihiin, waxay bilaabaan inay iloobaan isqurxinta iyo inay bukuyeerka aadaan markii la guursado kadib iyo inay isqurxiyaan oo ay labistaan.

4- Xushmeey Seygaaga

Xushmeey ninkaaga oo ku dhiiri gali dadaalkiisa iyo waxa uu kuu qabto haddii uu casho kuu wado oo kale ama alaabta kuu dhaqo ha u qaadan inay tahay mid waajib ku ah oo aad ku leedahay, nimanka wey jecelyihiin markii lagu amaano ama looga amahad celiyo waxa ay kuu qabtaan.

5- Qof toosan noqo

Dhammaanteen waan sameynaa qaladaad waa in qof kastana uu qirto qaladkiisa isla markaana uu raali galin ka bixiyo.

Qaar kamid ah haweenka mar walba waxay isku dayaan inay inkiraan qaladaadkooda xittaa iyagoo og inay qaldanyihiin, waxay aysan fahmin ayaa ah in qirashada qaladka iyo ka bixinta raali galin aysan marnaba kaa dhigeen qof laga guuleystay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button