Dumarka Oo Raadiya Ragga Leh Shantaan Calaamadood (Ninyohow Ma Leedahay Iska Fiiri)

Haween walba wey jecelyihiin riyada  mar kastana wey hayaan muuqaalka sida ay rabaan inuu noqdo ninka ay ku riyoodaan, si sidaas lamid ah raggana riyo ayay leeyihiin oo waxaa jira gabdho ay ku riyoodaan inay nolosha la wadaagaan marka ragyahoow haddii aad rabtaan inaad noqotaan nooca ragga lagu riyoodo oo dumarka ay aadka ugu riyoodaan waxaad u baahantahay inaad sameyso arrimahan soo socda.

#1- Ninka iscarfiya, Iscarfi barafuunka isku jabi

Carfisooyinka iyo barafuunada uma yaalaan goobaha ganacsiga sharaxaad iyo in la iska daawado waxan la rabaa in la gato oo la isticmaalo ogoow ma jirto naag jecel oo ku riyoota nin kam kamkiisa uu soo baxayo oo haddii uu agtaada maro aad sanka ka qabsaneysid ama aad isleedahay 5 bilood ma qubeysan oo aad u shiira uuuuuuuuuuuuuuuh,kkkkkk, naag kasta waxay rabtaa nin carfaayo inay hesho oo haddii uu agta ka maro ay sanka lasii raacdo barafuunkiisa marka fadlan wiilalyohow qaarkiin waa kaalay iska arag laakiin waxaa jira kuwo mar idhaafi ah kuwaasoow dukaamada taga oo carfiso iyo barafuun lacag badan ma joogaan soo iibso fadlan waaku side.

#2. Nin jir dhisan

Waligaa ma isweydiisay sababta ay dumarka u jecelyihiin ragga jirkooda dhisanyahay? Waa tahay waa ragga soo jiidasho leh marka gabar walbo waxay rabtaa nin jirdhisan oo muuqaal soo jiidasho ah leh xitta wey iskugu faanaaan gabdhaha nimanka jirkooda dhisanyahay maadaama uu kulamada sariirta dhidid badan kalisaayo, marka wiilalyohoow booqda oo taga xarumaha jirdhiska (GYM).


#3. Nin labis badan

Waxaad u baahantihiin inuu labiskiina qurxanaado wiilalyohoow waan idin baryaa sababtoo ah waxba lagama soo qaado nin aanan labisneyn ama markii ay gabdhah inta arkaan ay yiraan day day kanna waligiis saan lee waaye duluf lee waaye marka iska labiso labadaada xabo feero la dhac nadiif hakuu ahaadaan haddii xittaa adan lacag heysan ma jirto naag u baahan nin labiska ka dhintay amaba aanan labisan waxay sheegaan gabdhaha inay ku riyoodaan wiilal aad u labista marka xittaa iska xiro dhar macquul ah fadlan.

#4. Nin cajiib ah ama karti badan iska dhig

Haweenka ayaa jecel ragga cajiibka ah ee kartida badan marka iska dhig nin karti badan marka oo meel aanan laga fileyn kasoo baxa oo xiggig iska dhig.

#5 Nin dhinac walbo ku wanaagsan

Ula jeedno inaad cuntada u karisid mar kasta balse haweeney kasta waxay rabtaa in marka ay caajisto oo sariirta ay ka kici weyso mar mar in quraacda oo kale loogu tuuro dabca mararkaas weyna jecelyihiin ragga noocaas ah ee mararka ay xaaladda ku adagtahay nasiino siiya ee caawiya maadaama dumarka ay yihiin masaakin caawi mararka qaar maadaama intabadan ay naftaada iyo wax walboo leedahay ka fekeraan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button