Editor's PicksXIRIIRKA IYO GUURKA

5 Nooc Oo Ragga Kamid Ah Oo Indha Laga Jeedsan Karin (Haweenka Ayaa Ka Hela)

Naag kasta mida kale weyka duwantahay gaar ahaan marka laga hadlayo dookha ninka ay jecelyihiin, waxaa jira waxyaabo haweenka ay kugula heshiinayaan markii ay noqoto inay helaan nin soo jiidasho leh.

Waa kuwaan sifooyinka ay leeyihiin ninkankaas ee haweenka soo jiita.

1- Nin rag ah oo aanan kalaba labeyneyn inuu yiraahdo maya

Tan micnaheeda ma ahan in ninka uu yiraahdo maya maya darted balse waxay ka dhigantahay nin adkeysi leh oo go’aan leh.

Inaad wax walbo oo ay u baahantahay siisid haweeney ama naag waxay noqon kartaa jahwareer iyo waali sidaa darteed naagtaasina ugu dambeyn sharafta ayay kaa qaadeysaa oo kuma xushmeyneyso haddii aad wax walbo siisid marka nin rag ah oo yiraahdo mararka qaar maya waa loo baahanyahay.

Had iyo jeer kama farxin kartid naag waana loo baahanyahay inaad tiraahdid maya marka aadan awoodin.

2- Nin labis badan

Nin aad u labista isla markaana ay indhaha soo qabtaan kaasoo og sida looga taxadaro naftiisa.

Tani micnaheeda ma ahan kulabisashada  dhar qaali ah inaad isku muujisid balse sidoo kale waa dadaal ah inaad ka fekertid waxa aad xiratid inay yihiin kuwa naagta soo jiita.

3- Nin caaqil ah ama caqli badan

Nin awooda inuu xaaskiisa uga sheeekeyo sheekeeyin micno leh oo macaan, tusaale ahaan inuu ku amaano qaab ay ahayd ama u labisneyd habeenkii lasoo dhaafay oo kale waa nin soo jiidasho leh.

4- Nin aanan si fudud ku niyad jabin

Haddii aad naag rabtid oo aad jeceshahay ha quusan waligaa hana niyad jabin, haka harin waxaadna tustaa inay tahay qof la rabo sidoo kale isku day inaad ka dhigtid mid iyadana ku rabta.

5- Nin yaqaana sida mas’uuliyad loo qaado

Haweenka aad ayay ujecelyihiin ninka mas’uuliyadda qaada, waana tan keenta ninkeeda ay naagaha kale ugu faanto.

Related Articles

Back to top button