Shantaan arrimood waxay lamaanaha ka saacidayaan in xiriirkoodu xoogeysto

Xiriir walba si uu ukoro una xoogeysto waxa uu ubaahanyahay in laga shaqeeyo.

Inkastoo jaceylka uu yahay aas aaska xiriir wanaagsan oo farxad ku dhisan si aad uga gun gaartid oo xiriirka u noqdo mid ka caafimaad qaba dhinac walbo waxaad u baahantahay inaad sameyso shantaan waxyaabood ee hoos ku qoran.


1- In labada lamaane ay wax wada xiiseysaan

Seygeyga ama ninkeyga waxa uu jecelyahay ciyaaraha iyo daawashadooda, aniga ma aanan xiiseyn jirin ciyaaraha waxan xaqiiqsaday inta waxyaabood ee uu iisameeyay ilana sameeyay, maalin maalmaha kamid ah waxan go’aansaday inaan ciyaaraha la daawado isaga.

2- baro waxa ka farxiya lamaankaaga ama lamaantaada

U caddeey in farxaddiisa ay tahay farxaddaada isla markaana aad dooneysid inaad ogaatid wax walbo oo dhibaayo waa uu ku farxi doonaa inaad dhankaas ka tijaabisid.

3- Xushmad isku muujin mar waliba

Waa muhiim inaad jeceylka u ilaalisid sida uu u, ilaaliyo lamaanahaaga, ku cel celiya inaad mar waliba isku mahad celisaan iskuna muujiya sida aad iskugu faraxsantihiin tanina waxay ka qeyb qaadataa in xiriirka uu sii xoogeysto.

4- Xooriyadda

Xiriir in lawada lahaado waxay u baahantahay isku xirnaansho iyo kali ahaansho intaba.

Waa dareen wanaagsan inaad xur ahaatid aadna madax banaanaatid iyadoo uu xiriir qoto dheer kaala dhexeeyo lamaankaaga ama lamaantaada.

5- Hel talooyin iyo khibrad

Tani waxa ay ahayd tallabadii iigu horeeysay ee aan qaaday waana mid aad u wanaagsan, isku day inaad la tashatid oo aad talo ka heshid khubarada jeceylka ama qof waayo aragnimo u leh dhankaas sidoo waxaad aqrisaa buugaagta jaceylka si aad waayo aragnimo badan u kororsatid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button