XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH RAGGA: 3 qaab oo dib loogu soo celiyo Xaaskaaga markii aad kala tagtaan kadib

Xiriir kasta dhibaato ayaa soo gaarta ama bur bur, marka waxay ku xirantahay qaabka aad u wajahdid iyadoo waqtiyada qaar ay noqon karto furiin ama kala tagis inkastoo ay dhibaatadaas jirto hadana waxaa jirta fursad wanaagsan oo aad dib isugu soo laaban kartaan haddii aad martid waddooyinka loo baahanyahay.

Cil baaris ayaa soo bandhigtay inay fududahay  in dadka ay dib isugu soo laabtaan isku dhaca ama furriinka kadib marka waxaan ku siinayaa talooyinka soo socda si aad xaaskaaga ama lamaantaada dib ugu soo ceshatid.

Waxaad u baahantahay inaad muujisid ad adeeg

Uma baahnid in aad dambi walba qiratid adigoo u moodo isla markaana aad wax walba ku raacdid adigoo u mooda inay sidaas rabto, waa inaad is adkeeysaa noloshaadana si caadi ah aad u wadataa ka taxadar noloshaada waa inaad tustaa inkastoo aad weysay isla markaana aad u xiistay inaysan noloshaada bu burin, haweenka ma jecla ninka u hundhursada ama jilbaha dhulka u dhigta ee baryootama arrintaas kama naxeyso mana kuusoo laabaneyso nolosheeda haddii aad sidaas sameysi balse haddii ay iyada sidaas kuu sameyso waxay beey weysay weyna kuu xiistay marka waa inaad tustaa inay wax dhaafeen ama ay weysay.

Haweenka wey ku dhagaan ragga ad adag naftoodana ilaalin kara, ha isku jil jilcin nin adag noqo isku kalsoon naftiisana ku filan go’aankaaga ha badalin waana kan wax walbo bedela.

Isku day

Inta aysan xiriir qof kale la yeelan lamaantaada  ma jirto sabab aad u walwashid isku day’gaaga si adag iskugu day inay dareento wax kamaqanyihiin tan iyo markii aad kala tagteen ama ay kaa tagteen.

Waxaan aaminsanahay  in qof haddii uu istaahilo inuu kula joogo ama noloshaada qeyb ka noqdo dhib malahan waqtiga ayq aadato hubaal dib ayay ugu soo laaban doontaa marka waa inaad ogaataa in qorshahaas uu waqti qaato mararka qaar marka iska baro sida loo wajaho arrintaas xadid dareenkaaga oo yaanan lagaa dareemin ha noqon qof muran badan ama dareenkaaga uu wax walba ku dhaafiyo.

Waxaad u baahantahay inaad la kulantid qof ku takhasusay arrimaha xiriirka

Waxaa mararka qaar u baahantahay qof sadexaad oo kaa caawin kara inaad ogaatid halka ay dhibaatada ka jirto si aad u heshid xalka dhabta ah.

Mar kasta la tasho qof arrimhaas qibrad uleh si arrinta dhan ay isku fur furto isla markaana aad ogaatid halka lagaa heysto ama culeyska uu ka jiro marka qorshaha wuxuu ku xiranyahay ogolaanshaheeda si ay kuula heshiiso.

Mar walbana waa muhiim inaad ogaatid halka ay dhibaatada ka heysto xiriirka si aad Meesha uga saartid dhibkaas.

Related Articles

Back to top button