Afartaan Calaamadood Gabadha aad ku aragto Ninyohow weyku nacday ee horey uga soco

Waa cajiib ah in ay jiraan rag badan oo waaweyn oo aanan fahmi Karin wajiga dhabta ee saaxiibtood ama lamaantooda balse waxaa jira rag badan oo garasho leh isla markaanan fahmi kara marka aysan wanaagsaneyn xaaladda lamaantooda ama ay wax ka qaldanyihiin.

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineysaa tilmaamo lagu garto baagta saaxiibkeed qiyaaneyneysa ama nacday.

Taleefanada kaama qabaneyso

Inta badan wicitaanadaada ayay iska indha tirtaa marka aad weydiisidna sababta, raalli galin oo dhan ayay la timaadaa.


Sidaa darteed waxaan ku leeyahay oo aan kuugu celinayaa, haweeneyda ku jecel had iyo jeer wax sameysataa waqti.

Waxay diidaa inaad isticmaashid Taleefankeeda ama Kumbiyuutarkeeda

Hagaag, ma jiro wax ku jaban in qofba qofka lamaantiisa ah uu isticmaalo taleefankeeda ama Kumbiyuutarkeeda, haddii aysan jirin waxa la qariyo ma jirto wax sababaya in la isku diido, haddii ay kuu diido inaad isticmaashid Kumbiyuutarkeeda ama Taleefankeeda, waxa ay u badantahay inay qof kale meel kusoo arkatay.


Waxay bilaawdaa inay kula bar bardhigto Rag kale

Lamaan Sharaf leh waxay had iyo jeer qiimeyneysaa oo ay cod dheer ku ammaaneysaa dadaalkaaga, sidaa darteed marka ay bilaawdo hebel iyo hebel lacag badan ayay heystaan waa inay ku quseysaa waxan ula jeedaa haddii ay bilaawdo inay tusaale rag kale kuusoo qaadato ama kula bar bar dhigto way kugu daashay waxayna rabtaa inay kaa tagto.

Muran la’aan

Shukaansiga ayaa waxa uu yahay heshiin iyo iska hor imaansho, muran waad sameyneysaa wuxuuna muranka qeyb ka yahay shukaansiga, marka ay lamaantaada bilaawdo inay muranka joojiso isla markaana ay noqoto shibane oo aanan daneyneyn waxa aad ku hadashid tilmaamta  ayaa waxa ay tahay inay kaa daashay isla markaana ay dooneyso inay qaado tallaabada xigta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button