XIRIIRKA IYO GUURKA

Sifooyinka lagu garto haweeneyda xun ee aan guurka galin (Ka Fogoow)

Garashada gabar xun ama lamaan xun calaamadaha lagu garto mar kasta ma ahan kuwa cad oo uu qof walbo arki karo.

Lamaan xun ma ahan inay naxariis darantahay ama qiyaanooleey ay tahay balse waxay leedahay tilmaamo intaas kasii badan.

Hoos ka aqriso tilmaamaha

Ma tanaasusho

Xiriirka wuxuu horey u socdaa markii mid kamid ah lamaanaha uu diyaar u yahay inuu tanaasulo, Haweeney kasta waxay xaq u leedahay in la xushmeeyo isla markaana loola dhaqmo sidii boqorad oo kale, balse haddii aysan kuu tanaasuleyn isla markaana ay mar kasta wax rabto wax kabadan ayay soo wadaa.

Qiyaanooleey

Qiyaanada waa calaamad xun oo lagu garto gabar xun, qaar kamid ah dadka wey isbedelaan balse calaamaddaan haweeneyda leh uma qalanto jacaylkaaga, Waxbadan ka filo.

Haddii ay rabto inay keydadkaaga dhan ku isticmaasho waxyaabo aysan si dhab ah ugu baahneyn ma ahan haweeney wanaagsan.

Way kugu daneysanee

Haddii ay gabarta saaxiibtaa ah kusiiso  dareen isla markaana waqti kula qaadato markii ay wax kaa rabto hadaba naftaada waani inta aysan goor dambe kugu noqon.

Abaal la’aan

Ragga iyo haweenkaba waxay jecelyihiin in lagu amaano wax yar oo ay sameeyaan, haddii aysan arkin kaalinta muhiimka ah ee ka dheleeysid nafteeda dabadeed waa waqtigii aad xiriirka u jari lahayd.

Related Articles

Back to top button