7 Waxyaabood Oo Haweeney Kasta Oo Jacaylka Wax Ka Taqaano Ay Ogtahay

0

Waxaan idiin soo gudbineynaa 7 waxyaabood oo haweeney kasta oo jacaylka wax ka taqaan ay taqaano.

  1. Farriimaha jacaylka marnaba lagama weynaado

Inaad farriin jacayl u dirtid seygaaga marka uu kaa maqanyahay waa wax qurux badan, tani waxay dareen siineysaa qiimo iyo inuu agtaada ku weynyahay waana mid farxad kusoo dabaaleysa wajigiisa oo dhoola cadeyn ka keeneysa.

  1. Cunno lama filaan ah

Inaad si lama filaan ah ugu sameysid cunno nooc uu jecelyahay isla markaana kedis aad uga dhigtid ninkaaga waxay tuseysaa in meelaan dhoweyn uu kaaga yaalo, waana farriin muujineysa inaad jeceshahay farxadda seygaaga taasoo uu dareemayo, tani waa wax ay sameyso haweeney jacaylka wax ka taqaan.

  1. Hadiyad

Haweeney kasta way jeceshahay ninka u keena hadiyadaha, si kastaba, ma ahan haweeney kasta mida iyadana ninkeeda u sameyn lahayd sidan, qaar kamid ah haweenka waxay u heystaan in iyaga kaliya ay tahay in loo keeno hadiyadaha balse ay iyagu sameyneyn.

Haweeney jacaylka wax ka taqaana way ogtahay muhiimadda ay leedahay hadiyad ay u keento ninkeeda iyo qiimaha ay ugu fadhiso.

  1. Qurux

Haweeney jacaylka wax ka taqaan way ogtahay in nin kasta uu jecelyahay haweeney quruxsan, sidaa darteed waxay iska dhigtaa qof hagaagsan oo soo jiidasho leh mar kasta, haween badan oo  la guursaday ayaa u muuqda kuwo isdayacay iyagoo dareemaya inaysan dhib lahayn, balse tan jacaylka wax ka taqaana way ogtahay dhibka ay leedahay.

  1. Qadarin

Had iyo jeer ragga waxay dareemaan wanaag marka ay qadariyaan haweenkooda, qiimeey dadaalkiisa una sheeg sida aad u jeceshahay umahad celi, tusi inuu qiimo leeyahay, ragga waa jecelyihiin marka ay haweenkooda qiimeeyaan.

  1. Raaxo wanaagsan

Nin kasta aad ayuu u jecelyahay haweeneyda marka ay sariirta ay ku qabato  raaxada adduunka isla markaana dhididka ka shubta, xittaa hadaad tahay jacaylkiisa adduunka si kasii daran ayuu kuu sii jeclaanayaa marka waqti cajiib ah kusii sariirta.

Haweeneyda jacaylka wax ka taqaan ma ahan nooca lagula caajiso sariirta ; balse waxay sariirta ka dhigtaa mid xamaasad leh mar kasta waxay ka tagtaa ninkeeda isagoo wali kulanka sariirta sii macaansanaya.

Ma ahayd haweeney intaan waxyaabood leh?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here