XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Aad Heshid Haweeney Leh Lixdaan Calaamadood Ha Iska Deynin (Waa Dhif)

Haweeneyda aad ku aragto lixdaan calaamadood ee soo socta waxay muujinayaan inay ku haboontahay inaad xaas ka dhigato ee guurso.

  1. Qarashka

Haddii ay kugu dhiiri geliso inaad lacag meel dhigatid isla markaana aysan lacag kugu rabin waxay ku habboontahay inay xaaskaaga noqoto sababtoo ah maalin walba lacag kuuma soo wacayso kugumana raacin lavag balse adiga ayay rabtaa inay mustaqbalk kula wadaagto.

  1. War maqlid

Waxaad u baahantahay inaad guursatid gabar ugu yaraan warkaaga maqleyso balse ma ahan mid aanan la xakameyn Karin, haddii aad heshid haweeney Samir badan isla markaana warkaaga maqasha marka aad murantiin, taasi waa mid ku wanaagsan xaas inay noqoto oo calaamaddii leh, waa qof aad leh sabab aad kula sal dhigato qeylo la’aan.

  1. Cunno karinta

Waad dooran kartaa inaad bartid cunno karinta haddii aad ku wanaagsantahay cunno karinta, balse haweeney garaneysa sida loo kariyo waxay leedahay dhibco dheeraad ah oo ay ku noqon karto xaas marka lala barbar dhigo qof aanan ku wanaagsaneyn jikada.

  1. Lacagta aanan ku ciyaarin

Waxaad arki doontaa haweeney ku haboon inay xaas noqoto adigoo ka eegaya sida ay wax u qarash gareyso, haddii aysan lacag keydsan isla markaana ku qarash gareyso dhar iyo xaflado, waxaa kuu wanaagsan inaad ka fiirsatid la haasaawideeda, haweeneyda ku wanaagsan inay noqoto xaas si macquul ah ayay lacag u qarash gareysaa iyadoo ku bixineysaa waxyaabaha ay u baahantahay.

  1. Amar qaadasho

Way dhamaadeen maalmihii ay haweenka war kamaqli jireen raggooda isla markaana ay amarkooda yeeli jireen. Haweeneyda ku habboon inay xaas noqoto waa tan caaqilka ah ee qaadata amarka seygeeda.

Haddii aad heshid  haweeney wanaagsan ee qaadata amarkaaga kuna siisa naqdin wanaagsan, xaas ka dhigo.

  1. Kalgacayl

Haweeneyda ku wanaagsan inay xaas noqoto waa inay aad kuu jeclaataa si lamid ah sida aad u jeceshahay, ha u guursan way qurxantahay, haddii ay ku jeceshahay  way kaa fekeri doontaa wayna ku xushmeyn doontaa.

Related Articles

Back to top button