XIRIIRKA IYO GUURKA

Haweenka Oo Naca Ragga Marka Ay Ku Arkaan Waxyaabahan Soo Socda

Cilmi baaris ayaa shaaca ka qaaday  in haweenka marka hore ragga galmo ahaan usoo jiita ay bilaabaan inay nacaan marka ay ogaadaan inay qiyaanaan ama ay yihiin beenaaleyaal.

Sida lagu sheegay cilmi baaristaan oo lagu daabacay jaraa’idka the International Journal of Psychology, haweenka ayaa door bida ragga naxariista leh ee tixgaliya isla markaana leh kalgacaylka oo aanan qiyaano iyo beenta saaxiibka u ahayn marka la eego kuwa aanan intaas lahayn.

Cilmi baarayaasha ayaa sidoo kale helay in haweenka ay yihiin kuwo maalgaliya xiriirka marka ay u arkaan inuu yahay mid wanaagsan oo  mustaqbal leh.

Cilmi barista waxay sheegtay in haweenka ay intabadan soo jiitaan ragga xun xun dhib malahan si kasta oo ay u qurxanyihiin.

Dhinaca kale ragga ayaa la sheegay inay yihiin kuwo wali soo jiita oo raba haweenka qurxan xittaa haddii ay tahay mid aad u xun.

Ugu dambeyn, Cilmi barista waxaa lagu sheegay in haweenka ragga si walbo oo ay u jecelyihiin isla markaana ay u qanciyaan inay ka tagaan oo ay nacaan marka ay ogaadaan inay yihiin qiyaanooleyaal iyo beenaalayaal.

Related Articles

Back to top button