UGAAR AH RAGGA: 5 Waxyaabood aad sameysid oo lamaantaada ku qasba inay ku qiyaanto

Qofna ma jeclo in la qiyaano balse dabeecadaada ayaa sababi kartaa inay ku qiyaanto gabadha saaxiibtaa ah ama xaaskaaga.


Waa kuwaan 5 waxyaabood oo aad sameysid oo ku kalifa inay ku qiyaanto.

Dareen ma siisid

Haweenka wey jecelyihiin dareenka haddii aadan siinina dareen way jamaneysaa, waxaa macquul ah inay ka raadsato qof kale ma dhisi kartid xiriirkeeda markii aadan siinin dareen, haka mashquulin inaad dareen siisid xaaskaaga oo dareen sii waxyaabaha ay u baahantahay isla markaana had iyo jeer ammaan.


Waxaadan lahayn soo jiidasho oo waad isdayacday

Haddii ay aragto inaadan soo jiidasho lahayn isla markaana aad joojisay ka taxadarida naftaada waxay keeneysaa inay ku qiyaanto oo ay raadsato nin kale oo soo jiidasho leh marka ha u ogolaan inay kaa tagto maxaa yeelay waxayba ku tiri haa waanku rabaa mar, kataxadar naftaada adigoo isnadiifinaya, si wanaagsan wax ucunaya, jirka dhisaya, si qurux badan u labisanaya, iscarfi oo noqo nin isku kalsoon.

Xiriirka ayaad shaki ka galisay


Waa macquul inay ku qiyaanto marka ay ka shakiso xiriirkaaga, shaki kaqabidda xiriirka ayaa keena hadii ay ku aaminsantahay ama aysan ku aaminsanayn, marka ay joojiso inay ku aaminto, nin kale ayay la heysataa, waxaadna shaki galin kartaa marka aadan ka dhigin qof muhiim ah ama aadan muhiimad siinin, ereyadaada aadan ilaalin oo had iyo jeer beenaale aad tahay ama ay dareento inaad qiyaaneyso, muranka isdaba jooga aadku sameysid ayaa sidoo kale shaki ka galiya xiriirka iyadoo u gurmad doonata nin kale.

Uma heelanid marka ay kuu baahantahay

Way ku qiyaaneysaa haddii aadan u diyaarsaneyn marka ay kuu baahantahay, inaad u heelanaatid oo aad diyaar u noqotid waa muhiim maxaa yeelay waxay dareensiineysaa bad baado waxayna u muujineysaa inaad garab taagantahay marka ay wax adagyihiin ama xaaladda aysan wanaagsaneyn.

Haddii aadan u heelaneyn marka ay kuu baahantahay, waxay raadsaneysaa nin kale oo shaqo u diyaarsan howshana cabaa.

Xiriirka oo lagu caajiso

Inta badan ragga way joojiyaan waxyaabaha ay sameeyaan marka hore ama biloowga oo sababa inay ku jeclaato waana qalad, xiisaha Qatar ayuu uyahay xiriirkaaga waxaana muhiim ah inaad had iyo jeer isku daydid in waxa aysan xiisa kaa noqon hadaad meel uwadi jirtay dalxiis iyo wixii lamid ah inaadan ka joojin marka mar mar hawo qaadasho uwad soo dalxiisi meelo cusub geey.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button