Haweenka Oo Farsamooyinkaan Adeegsada Marka Aysan Rabin Kulanka Sariirta (Iska Baro)

Haweenka aad ayay u farsamo badanyihiin marka aysan dooneyn inaad u galmooto maxaa yeelay ma doonayaan inay dhaawacaan dareenkaaga ama si fudud kuma jecla marka markii aysan si toos ah kuugu sheegi Karin inaysan jeclayn baashaalkaaga waxay la imaaneysaa been xariifnimo ah si aadan ugu dhowaan.

Waa kuwaan qaar kamid ah been ay si guud haweenka kuugu sheegaan markii aysan rabin inaad sariirta ku ciyaarsiisid.

  1. Waan daalanahay

Waxaa macquul ah oo ay ubadantahay inaysan ka helin ciyaarahaaga balse ma dooneyso inay si dhab ah kuugu muujiso niyad jabkeeda isla waqtigaas waxay ka taxadareysaa dareenkaaga mana dooneyso inay waxyeeleyso raganimadaada iyadoo tilmaameysaa guul daradaada marka si ay uga gaashaamato inaad kula kulanto sariirta waxay ku leedahay waan daalanahay si ay uga hortagto inaad u galmooto.

  1. Madaxaa ixanuunaa

Haddii ay mar kale raalin gali kuu keento, hagaag , si fudud ma dooneyso inay kula raaxeysato ama aad u galmooto, dhab ahaantii, markasta oo aad dooneysid inaad sariirta kula kulantid ma qabi karto madax xanuun.

  1. Waqtiga dhiiga ama Caadada

Tani waa been ay ka simanyihiin haweenka oo ay kuu sheegi doonto si ay uga hortagto inaad ciyaarsiisid waxayna kuula ciyaareysaa maskax ahaan iyadoo kuu sheegeysa inuu dhiiga u joogo maadaama ay ogtahay inaadan taabaneyn haddii ay dhiig qabto.


  1. Mindhiciraha

Mindhicir xanuunka aad ayuu u dhib badanyahay, marka haddii ay ku tiraahdo mindhiciraha ayaa I xanuunaa adigoo doonaya kulankeeda oo waan xanuunsanahay been ayay kuu sheegeysaa si aadan ula kulmin.

  1. Waan caajisanahay

Waa macquul wey caajisnaan kartaa balse waxay sidoo kale dooneyn inaad caajiska ka qaadid oo aad sariirta boorka uga jaftid, waxaa macquul ah inaysan jecleyn shirkaaga ama neeftaada ama ciyaartaada ama ma qancin kartid marka haddii ay mar kasta caajisantahay waa inaad isku daydaa oo aad heshaa halka ay dhibaatada ka jirto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button