Shantaan Waxyaabood Hadaad Sameysid Si Fudud Ayaad Kusoo Ceshaneysaa Gabadhi Kaa Tagtay

Niyad aad ayuu u xunyahay gaar ahaan midka ku saabsan qof aad si dhab ah u jecleyd oo aad kala tagteen.

Mararka qaar waxaad isku mada daalineysaa in wax waliba ay hagaagi doonaan isla markaana aad heli doontid qof qoftaad kala tagteen ka wanaagsan inkastoo aad dareemeysid in noloshaada ay noqotay mid isbedeshay.


Inkastoo qaar kamid ah xiriirada aysan u qalmin inaad u dagaalantid ama aysan qiimo ku fadhin hadane waxaa jira kuwo aadan si fudud uga sabri Karin, haddii ay xaaladdaada sidaa tahay waa inaad ka shaqeysaa sidaad ugu guuleysan lahayd soo celinta qofkaas aad jeceshahay oo aadan ka sabri Karin.

Waa kuwaan qaar kamid ah tilmaamaha gabadha aadka niyad jabtay inay weysid aad si aanan caadi ahayn ugu soo ceshan kartid.

Xiriir la’aan

Waan ogahay inaad u xiistay waqtiyadii wanaagsanaa ee aad la wadaagi jirtay balse waa inaad ku dadaashaa sidii aad ula xiriiri lahayd ama aad dhaq dhaqaaqeeda ula socon lahayd balse ma ahan inaad arrintaas hore uga dhaqaaqdid gaar ahaan markii aad aad isku dhacdaan oo aad kala tagtaan si deg deg ah ha ugu dhaqaaqin, waqti sii naftaada aad uga daaweysid wixii soo maray kadib kafaker wax kasta, inaad ka fogaatid waxay sidoo kale iyadana dareensiineysaa sida aad muhiim ugu ahayd oo ay kuugu xiistay.

Ku mashquul noloshaada

Inkastoo aad dareemi kartid in guud ahaan noloshaada ay burburtay, waa inaadan saaxiibtaa ama xaaskaagi hore aadan u sheegin, mar kasta tus inaad mashquul ku tahay noloshaada si aadan hore ugu mashquuli jirin oo kale, haddii aad qoraal soo dhigtid baraha bulshada hubi in farriintaas ay tahay mid inaad faraxsantahay ka turjumeysa oo marna yaanan lagaa dareemin niyad jab iyo inaad u darsatay qoftaas.

Hagaaji naftaada

Qofna ma dhammeystirna, si kastaba waxaa jira waxyaabo aan beddeli karno si aan unoqono dad wanaagsan, haddii aad iskula dhacdeen waxyaabaha qaar oo aad bedeli kartid, beddel, iskuna day inaad noqotid qofka ay marwaliba ku taameeysay ama ay rajeeyneysay inay nolosha la wadaagto weyna dhaceysaa taas oo waxaad noqoneysaa mid mar kale soo jiita.

H aiska dhigin qof si ba’an ugu baahan oo kale

Xittaa haddii aad u dhimaneyso inaad dib u hesho waa ineysan ogaan taa, oohinta, jilba jabsiga iyo inaad aad u barisid wey kaa sii fogeyneysaa adigoo isdhahaya kusoo cesho, inaad u muuqato nin baahi badan u qaba waxay tusineysaa sida aad uga shalaayneyso waayitaankeeda, inta badan ee aad eryatid ama sooq abo aad isleedahay iyadana wey kaa sii ordeysaa marka isdeji oo caadi iska dhig waxaadna eegtaa ood kawar sugtaa sida waqtiga uu wax walbo ufur furo.

Raali gelin

Haddii aad adiga dhaawacday oo aad tahay qofka dhaawaca u geystay noqo nin caqli badan oo ka raali geli, taasi kaama dhigeyso nin caqli yar balse waxay muujineysaa inaad tahay wanaagsan oo gar qaata markii uu qaldanyahay sidoo kale u raali geli si dhab ah oo daacadnimo kujirto oo yaysan raali galintaada noqon mid markaa ku eg ama aad dan leedqahay oo kaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button