5 Waxyaabood Oo Halis Ah Oo Dhaca Marka Xaaskaaga Aad Ku Hor Canaanatid Caruurta

Shabakadda ka faaloota arrimaha bulshada ee Aayaha Online, ayaa maanta idiin soo gudbineysa dhibaatooyinka ka dhasha inaad xaaskaaga ama seygaaga kuhor aflagaadeysid caruurtaada hortooda.

Waxaad sameysay tusaale xun


Caruurta waxyaabo badan ayay ogaadaan marka ay weynaadaan mana ogid inay wax kaa baranayaan, waalidka waa barbaariyaha caruurta, marka waad sawiran kartaa waxyaabaha ay kaa baaranayaan marka aad hooyadood ku hor aflagaadeysid ama labadiinaba aad isku hor aflagaadeysaan.

Waxaad hoos u dhigtay kalsoonidii xaaskaaga ama ninkaaga

Markii aad xushmad dareeysid lamaantaada isla markaana kuhor bahdishid caruurtaada waxaad siisay dareen ah in xusmad darrada ay caadi tahay, sidaa darteed caruurtaada meeshaas ayay ka baranayaan xushmad darrada.

Waxaas dhaawacday caruurtaada

Marka aad caruurtaad hooyadood ku hor aflagaadeysid ama aabohood canugaaga ama caruurtaada waxay dareemayaan dhaawaca arrintaas waana dareen saameynaya marka ay weynaadaan ama koraan.

Caruurtaada waxay bilaabayaan inay dhinac la saftaan

Marka ay caruurtaada weynaadaan ama koraan waqti dheer kuma qaadaneyso inay dhinac la saftaan intii ay jeclaan lahaayeen labada walaid, waxay jeclaanayaan mid kamid ah waalidiinta midka kalena waa nacayaan

Waxaad bur burisay midnimadii qoyska iyo hooyga

Arrinka kale ee imaanaya ayaa ah kala qeybsanaan, qoyskaagii mideysnaa isna jeclaa iminka wey kala qeybsameen waxaana arrintaas sabab u ah hadallada fudud ee aad afka uun ka tiri.

Inaad aflagaadeysid lamaantaada ama lamaankaaga waa wax dhinac walbo u qaldan waxayna kasii darantahay marka aad ku aflagaadeysid caruurtaada hortooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button