XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Waxyaabood Oo Nin Ka Dhigi Kara Mid Aad Kuu Jeclaada (Mid Kugu Waasha)

Afar waxyaabood oo fudud balse kaa saacidaya in ninka uu aad kuusii jeclaado ama noqdo qof kugu waalan oo kale.

  1. Dhoolla cadeyn soo jiidasho leh

Haweeneyda dholla cadeynta quruxda badan waxay leedahay qurux aanan erey lagu koobi Karin. Dhoola cadeynteeda ayaa quruxdeeda ka dhigta mid soo jiidasho leh. Haweeneyda had iyo jeer leh dhoolla cadeynta diiran waxay nin walba ka dhigi kartaa mid kuwaasha; dhoolla cadeynta waxay umuuqan kartaa mid caadi ah balse waxay taaban kartaa qalbiyada.

  1. Haweeneyda aanan dad kale iska dhigin

Asal ahaanta waa fure muhiim ah oo intabadan ay haweenka la’yihiin. Haweeneyda asalka ah waxay nin walba ka dhigi kartaa mid si qoto dheer ujeclaada.

Asal ahaanta micnaheeda ayaa ah inaad adiga uun is ahaatid mar kasta balse aadan qof kale iska dhigin.

  1. Agtaada raaxo haku dareemo

Markaad nin ka dhigtid mid agtaada farxad iyo raaxo ku hela dabadeed si fudud ayuu kuugu waalanaa mana doonayo inuu kaa fogaado. Marka la eego dabeecaddaa, iyo wada sheekeysigaaga waxaad nin ka dhigi kartaa mid agtaada raaxo ku dareema.

  1. Nolosha xorta ah

Marka aad noloshaada iska wadato iyadoo aadan eegin inaad qof xiriir laleedahay, waxay ninkaaga siineysaa firaaqo iyo waqti uu kuugu xiiso waxayna taas kasii dhigaysaa mid aad kuusii raba. Balse markaad tahay qof dhag dhag badan way fududahay inuu kugu daalo.

Afartaan waxyaabood waa kuwo fudud caadiyan balse markaad adeegsatid waxaad arkeysaa ninkaaga oo kugu waashay, ama aad kuu jeclaaday.

Related Articles

Back to top button