ILA QOSOL: 8 Waxyaabood Oo Layaab Leh Oo Ragga Ay Sameeyaan Markii Ay Gabar Jecelyihiin

Waxaan idiin soo gudbineynaa 8 waxyaabood oo qosol badan oo ragga ay sameeyaan marka ay gabar jecelyihiin.


  1. Xiriirka Indhaha

Marka nin uu jecelyahay gabar, wuxuu isku dayaa inuu isticmaalo si uu fariin ugu gudbiyo; wuxuu ka shukaansan karaa indhaha, qaar kamid ah ragga ayaa xiriirka indhaha u isticmaala qaab aanan soo jiidasho lahayn.

  1. Miraayad isku eegid

Haddii aad aaminsantahay in haweenka kaliya ay isku eegaan miraayadda aad ayaad u qaldantahay. Sidoo kale ragga ayaad iskugu eega ugana fekera waxa ay xiran lahaayeen marka ay gabar jecelyihiin.

  1. Qosol

Ragga shactirada badan kuwa aanan shactireyn way sameeyaan tan. Ragga waa ogyihiin in ka qoslisiinta gabar ay tahay wado ay qalbigeea ugu guuleysan karaan, sidaa darteed dadaal badan ayay galiyaan sideey uga qosli lahaayeen. Marka uu isku dayga qosolka guuleysto way wanagsantahay balse marka aysan ku qoslin kaftankaaga waa ceeb xoogaa.


  1. Isfaanis lacag Ayaan leeyahay

Waa layaab in ragga qaarkood ay wali sameeyaan tan  illaa maanta. Rag badan ayaa ku faana hanti uguna faana haweeneyda ay jecelyihiin marka ay la kulmaan — waana mid xiiso leh mararka qaar.

  1. Hadiyado xad kabax ah

Mararka qaar wax bay fogeysaa. Waxa ragga qaar aysan kusameyn Karin hadal oo ay ku sameyn lahaayeen ficil — ficilka micnihiisa ayaa ah siinta hadiyado aanan loo baahneyn. Dhab ahaantii gabdhaha way qaadanayaan hadiyadaha balse taasi micnaheeda ma ahan inay sidaas kugu aqbaleyso ama kugu qaadaneyso.

  1. Wel welka inay rabto iyo inkale

Tani waa wax kale oo rag badan walwal kuriday marka ay gabar jecelyihiin. Marka nin uu haeeney jecelyahay wuuka welwelaa haddii ay ka heshay ama aysan ka helin, waana arrin qosol leh.


  1. Qaarkood oo guur kala hadla

Qaar kamid ah ragga waxay kala hadlaan gabadha guurka marka ay la kulmaan kadib xittaa iyagoo wax saas ah aanan ka aqoon haweenka qaarkoodan kama helaan.

  1. Wicitaan waali ah

Arrintaana waa mid kale oo jahwareer leh balse waa wax qosol leh oo ragga ay sameeyaan marka ay gabar jevelyihiin. Waxay ku dhaqaaqaan wicitaan badan haddii ay noqon lahayd telefoonka ama Facebook-ga ama baraha kale ee bulshada, waxay kuusoo wacayaan si isdaba jog ah waana arrin qosol leh balse sidoo kale dhibsasho leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button