Editor's PicksXIRIIRKA IYO GUURKA

5 Arrimood Oo Aad Ku Illoobi Karto Nin Aad Kala Tagteen (Talooyin Ku Caawinaya)

Waa kuwaan 5 Waxyaabood oo kaa caawinayaa inaad hilmaamtid ninaad horey ukala tagteen.

  1. Haku deg degin xiriir kale

Ku degdegidda xiriir  kale ma ahan waxaad loo baahanyahay inaad sameysid haddii aad rabtid inaad jartid ninkii aad horey ukala tagteen. Waqti ay ku kabato sii naftaada. Waqti aad u baahantahay adiga ayuu kugu xiranyahay, ha degdegin ee isdaji oo naftaada si wanaagsan ha u bogsooto.

  1. Bal ogoow waxa sababay in xiriirka burburo

Helitaanka sababta uu u burburay xiriirka ama ushaqeyn wayaay inaad heshid waa muhiim. Isku day inaad fahamtid sababta labadiina aad uwada socon weyseen. Waa inaad mararka qaar barataa si looga niyad jabo waxyaabaha qaar horeyna looga socdo sababtoo ah waa wadada kalita ee aad ku badbaadin kartid naftaada.

  1. Diiradda saar naftaada

Waa caadi inaad weysid naftaada marka aad xiriir qof la leedahay. Marka aad isku dayeysid inaad jartid ninkii hore waxaad u baahantahay inaad diiradda ka qaadid oo naftaada aad saartid. Waad inaad xaqiiqsataa in naftaada ay tahay waxa ugu muhiimsan noloshaada ee u baahandaryeelka.

  1. Cashar hakuu noqdo xiriirkii hore iyo ninkii hore

Waxay noqotaa mid fudud inaad ka gudbtid marka aad fahamtid oo wax walba aad ogaatid. Xittaa qibradda waxay noqon kartaa mid ay adagtahay inaad aqbashid waqtigaas, waxaad sidoo kale u baahantahay inaad fahamtid in waayo aragnimada ay kaa caawinayso in go’aan wanaagsan aad qaadatid mustaqbalka.

  1. Mar kasta qof wanaagsan ayaa jira

Inaad jartid ninkii jore oo aad ka gudubtid oo ahaa qof layaab leh waxay noqon kartaa mid adag balse waa inaad sidoo kale xasuusataa in qof ka wanaagsan uu jiro isla markaana aad heleeysid. Marka aad qofkaas heshid waa hilmaameysaa kii hore.

Aqbal in xiriirka uu dhammaaday, wax ka baro qaladaadka oo horey usoco, mustaqbal wanaagsan oo kugu habboon.

Aayaha Online

Related Articles

Back to top button