RAGGA: 6 Ammaan Oo Gacalisadaada Ay U Baahi Qabto

Gabar kasta waxay rabtaa inay ammaan joogta ah ka hesho ninkeeda. Markaad si joogto ah u ammaanto gacalisada noloshaada  waxaad dareensiisay kalgacayl iyo farxad qurux badan.


Waa kuwaan 6 ammaan oo xiriirka ka dhigaya mid aanan liicin.

  1. Waan jeclahay inaan dhinaceyga kugu heysto

Mar walba usheeg inaad jeceshahay inay dhinacaaga joogto. Ha joojin inaad usheegtid inaad jeceshahay inaad dhinacaaga ku heysatid, waxaa sidoo kale muhiim ah inaad meelaha qaar uwaddo sababtoo ah inaad sidaas u sameysid waxay tuseysaa inaad ku faraxsantahay isla markaana aad jeceshahay inay barbarkaaga joogto.

  1. Dharkaas waaku qurxantahay

Waxay rabtaa inay ogaato inaad ka heshay dareeskeeda. Marnaba haka hilmaamin inaad u sheegtid sida ay ugu qurxantahay dharkaas.


  1. Waanku jeclahay

Ma jirto haweeneey ka daasha maqalka ereyga “waanku jeclahay”. Hubi inaad usheegto inaad jeceshahay maalin walba sababtoo ah maqalka ereyadaas waxay dib u xaqiijiyaan jacaylka aad u qabtid xaajiyadda.

  1. Waxaa tahay haweeneyda dunida ugu quruxda badan

Goormee ayuu ahaa waqtigii ugu dambeeyay ee aad usheegtay inay tahay haweeneyda adduunka ugu quruxda badan? Haweeney kasta ayaa jecel taas marka uu ninkeeda u arko inat tahay haweeneyda dunida ugu quruxda badan.

  1. Waxaa tahay saaxiibka iigu wanaagsan

Waxay rabtaa inaad u aragto inay tahay saaxiibka kuugu wanaagsan sidaa darteed usheegitaanka inay tahay saaxiibka kuugu wanaagsan waa ammaan ay kaa rabto. Waa inaad u caddeysaa inay tahay saaxiibka kuugu wanaagsan adigoo u qiraya, kuna faraxsan wehelka ay kuu tahay isla markaana ku kalsoon.


  1. Waanku faraxsanahay inaan nolosha kugu heysto

Had iyo jeer usheeg haweeneyda noloshaada ah inaad dareemeysid  farxad ku saabsan helitaankeeda. Tani waa ammaan ay u xiisaan haweenka badankooda isla markaana ay aad u jecelyihiin. Waxay dooneysaa inay ogaato inaad ku faraxsantahay inaad nolosha aad ku heysato.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button