Marnaba Ha Sameyn Waxyaabahaan Adigoo Shiid Ah Ama Lacag Aanan Heysan

Lacag la’aanta qaabab kala duwan ayay noo saameysaa. Waxaa jira waxyaabo aanan ku fekeri Karin markaan shiidka nahay.

Ha sameyn afartaan waxyaabood markaad shiidka tahay

  1. Marmarsiyo

Maramarsiyada waa dilaa, marnaba naftaada ha u sameyn marmarsiyo. Sameey waxa la rabo intaad sameyn lahayd mar marsiyo.

  1. Sigaar cabidda

Caafimaadkeena ayuu dhib ku yahay. Faa’ido malahan inaad sigaar cabto adigoo shiid ah. Micnaheeda ma ahan in la yiraahdo dadka taajiriinta ah ayuu ku habboonyahay inay cabaan. Shiidka waa u dhibaato sigaar cabidda marka la eego qofka taajirka ah sababtoo ah ma heli doontid cunno kugu habboon markaad maalintii cabto dhowr baako oo sigaar ah.

  1. Qamriga

Qamriga waa qaali. Lacagtaada ayaad ku lumineysaa intaad wax ku qabsan lahayd lacagtaada.

Dadka wanaagsan wax ayay ku qabsadaan lacagtooda kuma lumiyaan daroogo, baro sida lacagta loo keysado.

  1. Ha yasin shaqo

Dadka qaarkood waxay shiid u yihiin way iskala weynyihiin shaqooyinka qaar. Meelaha ha iska fadhin adigoo ma shaqeyste ah. Waxaad u baahantahay inaad shaqeyso si aad miiska u saaratid cunno isla markaana aad lacagaha iskaga bixiso.


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button