Wax Ka Ogoow Dhiiga Caadada Iyo Dhibatootunka Uu Leyahay

Waa maxay dhiga caadada ?

Dhiga caadada waa dhiga ka yimada dumarka waana astaanta lagu garto gabadh qan gaaray.

Dhiga caadada bishii mar ayuu ku dhacaa gabdhaha ,waxa uuna hayaa ilaa 4 maalmood ama 5, 6,7 ilaa 14 cisho waana meesha ugu badan ee dhiiga hayn kara Wixii intaa ka badan 14 cisho lama oran karo waa dhiiga caadada ee wuxuu noqon karaa waxyabo kale sida in ay jiraan xanuuno ama buro ka soo baxda minka.

Waxa jir dhibatooyin badan oo laga dhaxli karo dhiiga caadada.

Waxaa loo kala qadaa laba qeybood ?


✓Haddii ay gabadha gudan tahy qaasatan gudninka firconiga waa mashaakilad ugu badan ee haysta gabdhaha Soomaaliyeed haddana u keena caado wareer iyo dhiiga oo ay iska wayaan.

Waxanna ka mid ah dhibaatoyinkaas in gabdha uusan ka soo bixin dhiga caadada sababtoo ah waxaa la isku talo garaa afka dhiiga soo mara iyo maqaarka taas oo marka danbe sababeysa dhiiga oo la waayo iyo dhiig wareer.Xanuun aad u daran oo ay gabdhu dareento gar ahan xundhurta iyo dhabarka ,

✓Xaalada labaad waxay ku imaani kartaa gabadha suniga ah oo la ildaran caabuq kaga dhaca xubnaha taaranka sidoo kale waxay isku argi karaan iyagoo aan qabin wax caabuq ah in ay ku jiradaan dhiiga caadada waxaana lagu sababeeyey is badal ku yimid hormoonada oo qarkood si xowli ah loo soo deyo

}}}}}}}} Talo guud {{{{{{{

Marka hore yaqiinso xaalda aad ku sugan tahay ama haddii aad isku aragtay astaamaha aan kor ku soo xusay waxaad u bahan tahay in aad taladan qaadatid.

-Cab shah kulul.

-Badso socodka.

-isku dey in aad howsha guriga wax ka qabatid,

-Qado baaf kuna shubo biyo diirin ka dibna gasho lugaha kuna hay ilaa 30 daqiiqo.

-Ha cabbin wax qaboow.

-Ha cunin baraf ha cunin jalato.

-Xanuunka hadii uu saaid kugu yahay cun paracetamol, Paracetamolku waa xanuun baabiye haddii uu wax kaa tari wayo paracetamolka ku badalo ibuprofen.

-Boorso biyo kulul ku shub kaddibna saaro meesha ku beegan gumaarka iyo minka si xanuunka hoos kaga dhaca.

W/Q Drs Fatima Ismail/Dr.cadceed

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button