DUMARKA: 22 Calaamadood Oo Lagu Garto In Ninka Uusan Si Dhab Ah Kuu Jecleyn

Xiriir kaala dhexeeyo nin aanan ku jecleyn waa waqti dhumis. Marka nin uusan jecleyn haweeney, waxaa jira calaamado qaarkood lagu garto oo uu lasoo baxo.
Waa kuwaan 22-ka calaamadood ee lagu garto in ninkaaga uusan ku jecleyn.

1. Had iyo jeer taleefan ayuu ku hadlaa ama, qadka, waxyaabo bilaasha ah adigoo la joogo.

2. Marnaba dhaawaca uu kuu geysto kaama raalli geliyo.

3. Marnaba kuma caawiyo markaas gacan caawinaaad uga baahantahay.

4. Waa nin sir badan mana kula wadaago warbixinada noloshiisa ku saabsan ee kusoo kordha.


5. Sidii qof kuweyn kuulama dhaqmo, wuxuu kuula dhaqmaa sida uu dadka kale ula dhaqmo.

6. Kuma dareensiiyo inaad wanaagsantahay oo aad qof qiimo leh tahay.

7. Waxba kamagalin mana daneeyo waxyaabaha ku dhaco noloshaada.

8. Marnaba ma abuuro waqti uu kula qaato mana daneeyo waqti inuu kula qaato.

9. Ma xushmeeyo saaxiibadaa iyo qoyskaaga.

10. Kama qeyb noqotid qorshihiisa mustaqbalka, mana kula socodsiiyo.

11. Qoyskiisa iyo saaxiibadiis si wanaagsan kuuma garanayaan.

12. Xushmadda ayuu kaaga hor qaadaa qoyskiisa iyo saaxiibadiis hortooda.

13. Ma qiimeeyo waxyaabaha muhiimka kuu ah adiga ee aad jeceshahay ama daneyso.

14. Waligiis ma daneyn la sheekeysigaaga, micnaba uguma fadhisid.

15. Ma tihid qofka koowaad ee uu mudnaan siiyo.

16. Wax micnaa ma siiyo markaad siiso xiriir jireed micnaha markaad inaad u baahantahay si hoose ugu muujiso.

17. Waxa kasta oo aad sameyso way dhibaan ama wuu dhibsadaa.

18. Hablo kale ayuu kula barbar dhigaa.

19. Ma xasuusto waxyaabahaad u sheegto.

20. Mar walba wuxuu kuu sheegaa inuu firaaqo u baahanyahay uusan war rabin.

21. Marnaba kulama heshiiyo.

22. Marnaba si iskiis ah iskuguma dayo inuu kaa farxiyo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button