Afartaan Waxyaabood Waligaa Haku Oran Haweeney Carmalad Ah/Laga Dhintay

Mid kamid ah waqtiyada ugu adag ee nolosha haweeneyda ayaa ah marka ay weeyso aabaha caruurteeda. Haweenka aad ayay ugu adkaataa wayna ka samri waayaan in kii ay jeclaayeen aysan markaas wixii ka dambeeya aysan arkin doonin.

Fadlan hadaad la kulanto haweeney gacaliyaheedii weyday oo ilaahay (SWT) ka oofsaday waligaa haku oran ereyadaan.

  1. Anigaba waala ifuray ama xaaskeygi waan kala tagnay, xanuunka waan wada qabnaa

Waligaa ha xasuusin haweeney carmalad ah ninkeedii ka dhintay oo aadan u bedeli Karin, ma garaneysid waxa sababay inuusan xasuusteeda ka go’in ama isku xiray. Ma jiraan bedeli kara qofaad si dhab ah u jecleyd.

  1. Waan ogahay sidaa dareemeysid, anigana waxaan waayay xaaskeygi

Waligaa uma sheegi kartid sida ay dareemeyso. Waa xanuun badantahay marka uu qof uu qof ah nin ama naag yiraahdo waan ogahay xanuunkaada.

Waxaa jira ereyo ka wanaagsan oo aad oran karto qofka laga dhintay.

  1. Ninkaaaga meel wanaagsan ayuu joogaa

Waligaa maa dhimatay? Qof nool oo ogaan kara ma jiro halka qof dhintay uu ku suganyahay janno ama naar, meeshii ilaahay (SWT) ugu talagalay unbuu ku suganyahay.

Waligaa haku oran meel wanaagsan ayuu jiraa sidii inaad ogtahay halka uu ku suganyahay qofkii dhintay.

Related Articles

Back to top button