Xooji Jacaylka Ay Kuu Qabto Xaaskaaga Adigoo Sameynaya Afartaan Waxyaabood Kaliya

0

Waxaa jiro qaabab kala duwan oo jacayl ugu muujin karto xaaskaaga, Ragga wanaagsan ayay ula dhaqmaan xaasaskooda xaalad walba oo jirta.

Waa kuwaan hababka xaaskaaga lagu dareensiiyo sidii inay tahay haweeneyda kaliya ee dunida ku nool.

1.Mudnaanta sii baahiyaheeda

Marnaba baahideeda haka hormarin waxyaabo kale, haweenka waxay u baahanyihiin dareen si loo dareensiiyo in la jecelyahay.

Iska hubi inaad mudnaanta koowaad siiso baahiyaheeda kahor intaadan ka fekerin kuwo kale si ay xad dhaaf kuugu jeclaato.

  1. Uga yaabso hadiyado

Haweenka qadarin ayay dareemaan marka wax loo hadiyeeyo. U iibi hadiyado mararka qaar. Mid qaali ah hadaadan u awoodin waxaa jira kuwo raqiis ah oo markaad u keento aad gowseheeda tirineyso micnaha farxad.

  1. Qiimeey fekerkeeda

Haweenka waxay raggooda ka rabaan inay dareen siiyaan qadarin. Haweeneyda waxaad qadarin ku dareensii kartaa inaad qiimeyso fekerkeeda. Haka diidin dhammaan fikradeheeda oo mid xittaa ku raac.

Waxaa sidoo kale fikrad wanaagsan ah inaad talo weydiisatid markay xaaladaha qaar kugu cakirmaan. Haddii aad hesho mashruuc waad kala tashan kartaa qorshihiisa.

  1. Waqti la qaado

Haweenka waxay rabaan dareen. Iyadoo aad tahay mashquul, mararka qaar waqti aad la qaadato raadi. Waqtiga wanaagsan ee aad la qaadato wuxuu xoojin doonaa xiriirka iyo jacaylka ay kuu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here