12-ka Xubnood Ee Uu Dhaawaco Walbahaarka Ama Stress-ka Daba Dheeraada

Walbahaarku waa xaalad dabiici ah oo maskax ahaan iyo jir ahaanba u saameysa qof kasta balse saameyn aad u xoogan ku leh nolasha aadanaha waxyeelo badana u keeni karta,

Hadii uu daba dheeraado walbahaarku waxa uu keenayaa qodobadan hoos ku xusan.

1= wuxuu hoos u dhigayaa difaaca jirkaada taas oo sahlaysa xanuuno badan in ay kugu dhacaan oo aad iska difaaci kartey hadaadan stress daba dheeraadey aadan qabin.

2= wuxuu kugu keenaya hurdo la’aan waqti dheer ah taas ugu danbeen sababi karta waali.

3= wuxuu saro u qaadaya in beerku uu sonkor faro badan kusoo dhex sii daayo dhiiga taas oo ugu danbeyn sababaysa in aad xanuunka sonkoroow ama macaanka aad qaado.


4= wuxuu sare u qaadayaa in lasoo saaro dheecaanada adkeeya xididada dhiiga taas oo ugu danbeyn sababeysa xanuunka Dhiigkarka.

5= wuxuu daciif ka dhigayaa muruqyada ka qayb qaata habdhiska neefsiga taas oo ugu danbeeyn sababi karta xanuunka Asmada ama neefta.

6= waqti dheer haduu uu jiro stress ku waxa uu dhaawacaya halboowlayaasha dhiiga qaada taas oo ugu danbeyn sababaysa in wadnuhu istaago.

7= wuxuu sababayaa in caloosha lagu soo sii daayo Acid badan kaas oo dhaawac u geysanaya dahaarka hoose ee caloosha uga danbeyna sababaya laab olol iyo xanuunka Gaaska.

8= wuxuu saameynayaa habdhiska neef shiidka ugu danbeyna sababaya matag lalabo iyo calool xanuun ama shuban.

9= wuxuu hoos u dhigaa awooda diihaalka galmada daal fara badan iyo in uu soo koobmo waqtiga galmada.

10= wuxuu qaldaa dheecanada taranka ragga iyo dumarka kaas oo keeni kara ma dhalaysnimo.

11= caado wareer ayuu u keenaa haweenka waxaa gabi ahaanba uu sababi karaa caadada in la waayo ama ay waqtiyadeedii kasoo hormarto ama dhiig saaid ah uu yimaado, waana mid kamid ah sababaha ugu badan ee caado wareerka keena.

12= wuxuu keenaa murqo xanuun madax xanuun iyo dhabar xanuunba hadii uu dabo dheeraado walbahaarku.

Waxa keena iyo sida la iskaga daaweeyaba waxaan uga hadalney mowduuceenii hore pageka ayaadna ka heli kartaa hadii uu ku dhaafay.

W/Q: Dr Amen

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button