9 Waxyaabood Oo Nin Kasta Uu Ka Rabo Gabadha Uu Doonayo Inuu Guursado

Waxaan idiin soo gudbineynaa 9 waxyaabood uu ninka ka filayo haweeneyda uu guursan rabo.

  1. Kalsooni

Ragga muhiim ayay u tahay kalsoonida marka ay dooranayaan xaas. Waxay haweeneyda ka filayaan inay noqoto qof kalsooni leh isla markaana daacad ah. Xittaa ragga qiyaanada sameeya ee aanan aaminka ahayn waxay rabaan xaas ay aamini karaan.

  1. Haweeney aanan fowda badneyn/degan

Nin kasta waxa uu doonayaa guri nabad ah, iyo haweeney aanan xiisad badneyn. Nin kasta wuxuu kuu sheegayaa inay ka baqaan haweenka fudud edagaalka badan waana sax. Ragga waxay rabaan inay la aqal galaan haweeney degan oo aanan fowdo la imaaneyn.

  1. Taageere

Ragga waxay rabaan in xaasaskooda ay noqdaan taageerayaashooda. Nin kasta wuxuu xaaskiisa ka filaa inay taageerto; waxay rabaan haweeney ku taageereysaa marxalad walba, waqtiga wanaagsan iyo kan xunba.

  1. Maamul wanaag

Haweenka waa maamulayaasha guryaha — xaiiqda ayaa ah in ragga ay xaasaskooda ka rabaan inay noqdaan maamuleyaal wanaagsan marka la eego hantida uu seyga soo shaqeeyo oo aysan noqon wax ku ciyaar.


  1. Jacayl shuruud la’aan ah

Haddii uu ku jiro xaalad wanaagsan ama uu jeeb ahaan iska liito, ragga waxay rabaan in mar kasta la jeclaado oo xaasaskoosa jacayl ay ka helaan. Ragga waxay rabaan jacaylka waqti kasta iyadoo aanan loo eegeyn waxay sameeyaan iyo kuwa aysan sameeynin.

  1. Qadarin

Nin kasta waxa uu rabaa in xaaskiisa uu xushmad ka helo; waxa uu doonayaa inay qadariso haddii uusan taas ka helin  waxay dhaawacaysaa dareenkiisa iyo hamigiisa, ma jiro nin doonaya xaas aanan lahayn qadarin, oo afxun isla markaana aflagaado badan.

  1. Raaxo

Nin kasta waxa uu ka ravaa xaaskiisa raaxo iyo inay wada yeeshaan guur raaxo leh; ragga ma rabaan kaliya galmo balse raaxo marka ay la joogaan lamaanayaashooda. Waxay rabaan xaas dareen ahaan loo heli karo, mana ahan mid ay ka baryayaan inay dareen yeelato.

  1. Daacad

Ragga ma rabaan in been loo sheego; waxay rabaan in xaaskooda ay daacad noqoto isla markaana sirta iyo beenta ay iska ilaaliyaan.

9.Faham

Ragga waxay rabaan xaas wax fahamta oo warkooda maqasha, teegeerta iyo mid cafineysa marka ay sameeyaan qalad. Ragga badankood ma ogolaanayaan haweeney qalbi adag.

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button