DIGNIIN:- 3 Siyaabood Oo Taleefankaaga Gacanta Kuugu Keeni Karo Dhimasho

0

Taleefanka gacanta ayaa bini aadamka u caawiyay habab kala duwan, haddii ay noqon lahayd xiriir inaad wacdo qoyskaaga, saaxiibkaa, booliiska ama haddii ay xaalad deg deg ah kusoo food saarto. Si kastaba taleefanka ayaa qaababkaan soo socda kuugu keeni kara dhimasho.

  1. Wuxuu socodka iyo kaxeynta gawaarida ka dhigaa halis

Dad badan oo waddooyinka isticmaala ayaa waxaa geeridooda sabab u noqda mobillada. Waxay u badantahay inaad wadada uga jawaabto fariin laguu soo diray wiciitaan, taasoo sababtay in dad badan uu jiiro gaari. Isla arrintaas ayaa waxa ay saameysaa in kuwa gaadiidka wada ee fariimaha ka jawaaba iyagoo gaariga wadaan, marka uu dareenkaaga ka jeesto wadada oo taleefanka uu aado waxay u badantahay inaad sabab u noqoto shil.

  1. Wuxuu dhaawacaa indhahaaga

Indhahaaga waa kuwa ugu muhiimsan jidhakaaga. Nasiib darro isticmaalka xad dhaafka ah ee taleefanka ayaa dhaawacaya indhahaaga. Iftiinka kasoo baxa shaashadda ayaa dhaawaca unugyada argga indhaha. Aadka aad u isticmaasho taleefankaaga waa dhaawaca badan.

  1. Wuxuu dhibaato u keenaa laf dhabarta iyo qoorta

Taleefanada waxay sare u qaadaan waqti aan hoos u eegno. Culeyska madaxaaga waxaa taageera qoorta iyo laf dhabarta. Tani waxay cadaadis badan u keentaa qoorta iyo qeybo kamid ah jirka. Cadaadiska xad dhaafka ah ee laf dhabarta waxay xanuuno u keeneysaa qoorta iyo dhabarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here