12 Waxyaabood Oo Isbedela Marka Lagu Guursado Kadib

Qof kasta oo kuu sheega in wax kasta ay sidooda ahaan doonaan marka lagu guursado kadib been ayuu kuu sheegay. Inaad ogaato isbedellada imaan doona marka lagu guursado kadib waxay kaa caawinayaan inaad si wanaagsan ugu diyaar garoowdo.


Waa kuwaan12 waxyaabood oo isbedela marka lagu guursado kadib.

1. Waxaad heleysaa raaxo wanaagsan markaad guursato sababtoo ah waxaad heysataa xaas ama seey xalaal ah oo aad ku faraxsantahay.

2. Dadka qaabab kala duwan ayay kuu arkayaan markaad guursato kadib. Waxay kuu arkayaan qof masuuliyad badan qaadi kara.


3. Waxaad heysataa waqti badan oo aad la qaadato seygaaga/xaaskaaga markaad guursato kadib. Waqtiyadii hore waxaad is arki karteen marar dhif ah ama yar.

4. Markaad doob tahay, waxaad wax u qorsheyn jirtay naftaada kaliya balse taas way isbedeshaa markaad guursato. Markaad guursato qorshaha waxa uu noqonayaa adiga iyo seygaaga ama xaaskaaga.

5. Sidaad lacagta u qarash gareyn jirtay way isbedeshaa markaad guursato. Markaan qorshaha waa labadiina, waxaa doorbideysaa inaad keyd sameysid intaad lacag badan qarasha gareyn lahayd.


6. Qaabka aad u dagaalanto way isbedeleysaa markaad guursato kadib. Kahor guurka inaad xiriirka burburisid xal ayaad u arkeysay hadaad isdagaashaan seygaaga/xaaskaaga balse markaan heshiis ayaa imaanaya.

7. Caafimaadkaaga wuxuu dusha ka korayaa qof halka markii hore uu adiga iyo hooyo dusha idinka saarnaa, waana seygaaga.

8. Kadib guurka dadka waxay kuu arkayaan qof miisaan leh oo caaqil ah.

9. Waxaad bilaabeysaa inaay waqti la qaadato haweenka ama ragga kale xaasaska leh, waxana yaraanaya waqtigii aad la qaadan jirtay kuwa iskaabulada ah.

10. Waaxd isku dhiibtay seygaaga kadib guurka.

11. Kahor guurka, waxaad ku koox ahayd waalidiintaada iyo walaalahaa balse iminka waxaad la midoowday ood ku koox tahay seygaaga.
12. Marka lagu guursado kadib waxaad wax badan u go’day seygaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button