5 Calaamadood Oo Muujinaya Marka Xiriirka Lamaanaha Uu Yahay Mid Aanan Mustaqbal Lahayn

Xiriirkaaga haduu leeyahay calaamadaha hoos ku xusan, dabadeed xiriirkiina mustaqbal malahan.

  1. Kuuma muuqdo mustaqbla aad wadaagtaan

Haddii mustaqbalka kaala dhexeeya lamaankaaga/lamaantaada aad u aragto mid aanan mustaqbal lahayn, dabadeed ma jirto sabab uu xiriirkaas kusii jiro maxaa yeelay mustaqbla maba lahan.

  1. Iskuma kalsoonidiin

Xiriirkiina mustaqbal malahan haddii adiga iyo lamaantaada aadan isku kalsooneyn, kalsoonida waa waxa ugu muhiimsan oo uu leeyahay xiriir kasta oo mustaqbal leh.

  1. Lamaantaada/Lamaankaaga dadaal ma galiyo

Xiriirka waxa uu ubaahanyahay  waqti iyo dadaal, haddii lamaankaaga/lamaantaad aysan dadaal ku bixin sidii uu xiriirka u shaqeyn lahaa, dabadeed xriirkaas mustaqbal malahan. Haddii lamaankaaga/lamaantaada aysan daneyn xiriirka, xiriirkaas mustaqbal malahan.


  1. Iskuma qaadataan cilladihiina

Xiriirka mustaqbalka leh, waa in lamaankaaga/lamaantaada aad ku qaadataa shaqsiyaddiisa iyo sida uu yahay ama ay tahay. Haddii ay jiraan wax uu lamaankaaga/lamaantaada ay aad u necebtahay oo adiga kugu saabsan isla markaana aadan ugu dulqaadan Karin, xiriirkaas mustaqbal malahan.

  1. Lamaankaaga kaama haqab tirin baahiyahaaga aasaasiga ah

Baahiyaheena aasaasiga ah ee xiriirka waa in lamaanteena ayna jeclaato isla markaana na taageerto. Waxaan rabnaa lamaan waqti aan isla qaadano sameysa dhib malahan mashquulkeeda ama mashquulkiisa. Haddii lamaantaada/lamaankaaga uusan la kulmi Karin baahiyahaaga aasaasiga ah dabadeed xiriirkaas mustaqbal malahan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button