Wax Ka Ogoow Qawadka Iyo Siduu Ku Faafi Karo

Qawad waa caabuq ku dhaca maqaarka waxaana keena germis ka mid ah fungal oo la yirado Malassezia,maqarka waxaa ku nool germis kaas oo lagu tala galay in u ka hortago germisyadda kale oo weerarka ku ah maqaarka waana germis dabeeci ah oo ku noolan maqaarka isagoo aan waxba yeelaynin maqaarka lakiin markii uu cilad ama caabuq kale ku yimaado wuxuu ku koraa maqaarka (yeast living on skin ).

Haddii uu bato germiskaas wuxuu isku badalaa mid wax yeleeya maqaarka asagoo maqaarka u yeela calamado ka muuqanaya maqaarka korkiisa.


Maxaa keena qawadka

1-Qawadka inta badan wuxuu ku dhacaa dadka jirkooda ku badan yahay dufanta ama subag.

2-Sidoo kale qawadka wuxuu u badan yahay dadka ku nool saxraha iyo meelaha kuleel waxaana sabab u ah dhididka badan.

3-Iyo hadii uu hoseeyo difaaca jirkaada.

4-Dharka ama gogosha oo lawada wadaago waxaa sahlanenaysa in la kala qaado qawadka sababtoo ah waxaa is taabanaya jidhka taas oo sahlan in uu qofka qofka kale u gudbiyo.

Astaamaha lagu karto Qawadka

-Cun cun

-Cadaan iyo madoow isku jira oo maqaarka ka muuqanaya.

-dhibco ka soo yaca qoorta,dhabarka iyo gacmaha kuwaas oo u eg meel cambaar ku dhacday oo kale.

Talo guud

-Jooji isticmaalka salida

-Qoraxada iska ilaali waayo waxaa laga yabaa in ay kugu kicso germiska ku jira maqaarka.

-Ha xiran dhar kugu dhagan

-Isticmaal shambooyin lagu talagalay in lagu yareeyo qawadka waxaana kamid ah ah shambooyinkaas Seleinum sulfide

-Hala wadaagin dadka sida dharka,gogasha iwm.

Haddii aad u bahan tahay la talin dhanka cafimaadka ah la xariir takhtarka kugu dhow.

La sii wadaag asxaabtaada

W/Q Dr.cadceed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button