8 Waxyaabood Oo Haweenka Ay Sameeyaan Marka Aysan Ku Rabin

Dhib malahan jacaylka aad u qabto intuu la egtahay; waxaa jira calaamado ay ku tusi doonto  oo muujinaya inaysan ku rabin.

  1. Qofaan xiriir laleeyahay

Tani waa jawaabta caadiyan aad ka heleyso gabadha aanan ku rabin. Waxaa macquul ah inaysan xiriir lalahayn qof kale balse waxay tan kuugu sheegeyso ayaa ah inay iska kaa fogeyso.

  1. Shaqsigaas kuuma arko

Waxay sidoo kale ku oran kartaa inaysan kuu arkin qof ku habboon inuu xriir la yeesho, waana calaamad muujineysaa inaysan kaa helin isla markaana ku rabin gabdhaas ee waqtiga ha iskaga dhammeyn.

  1. Jawaabo gaagaaban

Wax kale oo ay ka simanyihiin haweenka marka aysan ku dooneyn ayaa ah bixinta jawaabo gaagaaban. Jawaabaha gaagaaban, waxay dooneysaa inay iskaga kaa fogeyso jawaabahaas gaagaaban isla markaana aadan helin fursad aad kula sii wado.


  1. Jawaabo caqliyeysan

Qaar kamid ah aanan ku rabin si caqliyeysan ayay kuugu jawaabayaan: waxay kuugula hadlayaan si hoose iyo si nacayb leh.

5.Mashquul

Ma jirto haweeney mashquul noqon karta oo aanan ahayn mida aanan ku rabin. Xittaa hadii aysan macquul ahayn waxay iska dhigeysaa si aadan horey ugu sii socon.


  1. Ka jawaaabida wicitaankaaga

Haddeey wicitaanadaada ka jawaabto marka ay rabto kaliya waa inaad ogaataa inaysan ku rabin gabadhaas.

Marka ay maanta telefoonka kaaga jawaabto maalin kale kaagama jawaabeyso, waa qaabka ay kuugu sheegi karto inaysan ku daneyneyn.

  1. Saaxiibo kaliya aan ahaano

Waxaa suurtagal ah inaad saaxiib la ahayd goor hore isla markaana aad wax kabadan ka rabto sida guur, balse aysan dooneyn – tani waa nooca jawaabta aad ka heli lahayd. Shaqsi ahaan way ku jeceshahay balse kuuma aragto qof ay la haasaawi karto.

  1. Ma dooneyso inaad nolosheeda wax ka ogaato

Haweeney aanan ku rabin kuuma ogolaaneyso inaad nolosheeda wax ka ogaato. Way iska kaa fogeyneysaa mana dooneysa inaad si weyn wax ugaato.

Haddii aad jawaabahan haweeney ka hesho, waxay u badantahay inaysan ku rabin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button