DIGNIIN: Caruurtaada Haku Sameyn Arrintaan Halista Ah, Haddii Kale Xanuunadaan Ayaa Ku Dhici Kara

In aad rux ruxdo ilmahaada ama aad kor u tuurtuurto waa xaalad aad qatar u ah maskaxda ilmahaada.
Carruurtu waxay leeyihiin maskax aad jilicsan oo koriin ku jirta iyo muruqyada qoorta oo daciif ah. Waxaana aad u jilicsan xididada dhiig qaada, Ruxidda ilmaha yar ayaa u horseedi karta in maskaxdooda ay si isdabajoog ah u garaacaan gudaha hoose ee lafta ku dahaaran madaxa,
Tani ayaa keeneysa in ay nabaro waaweyn ah maskaxda gaaraan, dhiig-baxa maskaxda, iyo in ay bararto maskaxda. Dhaawacyada kale waxaa ka mid noqon kara lafo jabsan iyo sidoo kale in ay aragtidu ka lunto ilmaha ama uu dhago beelo, ama in ayba qoortu jabto.
DHIBAATOOYINKA KA DHALAN KARA ILMAHA LA RUXO.
– ilmaha oo socodka ama istaagu dhibo.
– naqaska ama neef qaadashada oo dhibta.
– cuntada uu qaadan waayo
– matag
– midabka jirka oo isbadala
– in uu dhinac baralis ka noqdo.
– kooma
– suuxdimo ama qalal
– indho la’aan
– dhago la’aan
– caqliga ilmaha oo yaraado
– koritaanka ilmaha oo daciifa
Hadii aad calaamadahan mid kamid ah ku aragto ilmahaaga fadlan si deg-deg ah u gee hospitaalka caafimaad ee kuugu dhaw.
SIDEE LOOGA HORTAGAA DHIBAATOOYINKAN?
Waxaad iska ilaalin kartaa ilmahaaga waxyeelleyntiisa adiga oo aan rux-ruxin xaalad kasta. Waa sahlan tahay inaad niyad jab dareento markaad ilmahaaga ka joojin waydo oohinta. Si kastaba ha noqotee, oohintu waa dabeecadaha caadiga ah ee carruurta ee marna ha isku dayin in aad ilmahaaga ruxdo si aad uga joojiso oohinta.
W/Q: Dr Mohamed Amen

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button