XIRIIRKA IYO GUURKA

10 Siyaabood Oo Lagu Dhiso Kalsoonida Xiriirka Lamaanaha

Ma yeelan kartiin xiriir guuleysta haddii aysan jirin kalsooni ama labada lamaane aysan isku kalsooneyn.

Hoos ka aqriso 10 qaabood oo lagu dhiso kalsoonida xriirkaaga.

  1. Uballan qaad inaad daacad u noqoneysid

Ma dhisi kartid kalsoonida xiriirkaada haddii aanad daacad u ahayn lamaankaaga/lamaantaada. Uballan qaad inaad daacad u noqoneyso si ay daacad kuugu noqoto.

  1. Hadalkaaga iyo ficilka ha isyeeshaan

Ma filan kartid in lammaankaagu/lamaaantaadu uu kugu kalsoonaado haddii erayadaadu aysan u dhigmin ficiladaada. Markaad ku guul daraysato inaad samayso waxyaalihii aad sheegtay inaad sameyneyso, lammaantaada/lamaankaaga wuxuu bilaabayaa inuu kuu arko sida qof aan lagu kalsoonaan Karin.

  1. Jecloow lamaankaaga/lamaantaada

Ma filan kartid in lamaantaadu ay ku aaminto, haddii lammaantaada ay dareento inaad leedahay ujeedo qarsoon. Sabab sax ah u jecloow lamaantaada/lamaankaaga

  1. Noqo qof aanan isbedelin

Joogteynta in ereyadaada iyo ficilladaada ay isyeeshaan waxay lamaantaada ka dhigee mid kugu kalsoon. Waa in ereyadaada iyo ficilladaada ay had iyo jeer isyeeshaan. Lamaantaada/lamaankaaga wuxuu kuu arki karaa qof la isku haleyn karo haddaad mar walba ka dhabeyso ballamahaaga.

  1. Mudnaanta uu leeyahay xiriirka

Lamaantaada waxay dareemi doontaa farxad iyo qanacsanaan markay ogtahay in xiriirka aad mudnaan sare siisid.

  1. Runta usheeg mar kasta

Sheegitaanka runta mar walba ayaa kaa caawin doontaa inaad dhisto xiriir kalsooni  ku dhisan. Marka aad had iyo jeer sheegtid runta, waxaad tusinaysaa lamaankaaga/lamaantaada inaad qiimeyso xiriirkaada, waxayna taasi keeneysaa kalsoonida.

  1. Haka qarin waxyaabaha muhiimka ah

Markaad xogta muhiimka ah ka ka qarisid lamaankaaga/lamaantaada gaar ahaan macluumaad saameynaya lammaanahaaga iyo xiriirkaaga, waxaad burburineysaa kalsoonida xiriirkaada. Noqo mid furan oo lamaantiisa aanan ka ilaalin macluumaadka muhiimka ah.

  1. Ilaali sirta lamaankaaga/lamaantaada iyo sirta dadka kale

Inaad ku guul dareysato ilaalinta siraha waxay saameyn doontaa kalsoonida xiriirkaada. Haddii aad rabto in lamaankaagu uu kugu kalsoonaado, waa inaad ilaalisaa siraha uu kuu sheego.

  1. Shakiga

Ma filan kartid in lammaanahaaga uu kugu kalsoonaado marka aadan ku kalsooneyn. Iska ilaali inaad si xun u fakartid xaalad kasta, oo lamaantaada aad ka shakiso. Haddii lamaantaada aad soo wacdo oo ay kaa qaban weyso taleefanka micnaheeda maahan inay ku qiyaaneyso.

  1. Ha noqon mid sir badan

Inaad lambar sireedyo ku xiratid taleefankaaga ma dhiseyso xiriir kalsooni leh. Haddii aad rabto inaad dhisto kalsoonida xiriirkaaga, lamaantaada waa inay taqaanaa lambar sireedka taleefankaaga. Inaad taleefankaaga ka ilaaliso waxay burburineysaa kalsoonida xiriirka.

Related Articles

Back to top button