Maxaa Sababa In Cunnada, Biyaha Iyo Candhuufta Liqidooda Ay Ku Dhibaan ?!

Liqidda cunada in aad ku dhibtootid waxaa keeni kara caabuq ku dhaca hunguriga.

hunguriga labo ayaa loo kala qeybiyaa kan neefta qaada iyo mid cunada qaada qofka waxaa caabuq kaga dhaca qeybta cunada qaadashada wuxuuna ku dhibtoonayaa cuna qaadasha iyo in uu liqi kareynin biyaha iyo candhuufta.

Caabuqa halkaas ku dhaca waxaa keena virus ama bacteriya.

Astaamaha lagu garto


✓Liqida cunada oo ku dhibto

✓Qanjirada dhuunta oo ku barara(Enlarged lymph node in the neck)

✓Qandho

✓Madax wareer

✓Daal

✓Codka oo isbadala

Adigoo gurigaada jooga iska dawee dhuun xanuunka ?

Haddii aad iskaga shikisan tahay astaamaha kor ku xusay isticmaal liin dhanaan,malab ,cabb biyo kulul lagu daray liin dhanaan am a malab,isticmaal sanjabiil ama toon labadooda waxay dilaan caabuqa.

Haddii aad u baahatid dawo waxaad u baahan tahay in aad la tashatid takhtarkaada si aad u heshid dawo kugu habboon,

Takhtarku wuxuu ku qori karaa penicillin ama amoxicillin adigoo qaadanaya 14 cisho.

W/Q:Dr.Cadceed

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button