10 Sharci Oo Ay Tahay In Xaas Kasta Ay Ilaaliso Haddii Ay Rabto Guur Farxad Leh

Waxaan idiin soo gudbineynaa 10 sharci oo ay tahay in xaas walba ay ilaaliso haddii ay dooneyso guur farxad leh

1. Ka haqabtir seygaaga baahida saiirta, sida aad uga rabtid oo kale inuu kugu qanciyo sariirta. xaas ahaan isla sidaas ayaa lagaa rabaa haddii aad rabtid guur farxad leh.

2. Ha noqon xaas qeylo badan. Guurkaaga ma noqonayao mid wanaagsan haddii aad had iyo jeer qeylisid. Cudurdaar malahan qeylada.

3. Xushmee seygaaga hana ku qeylin. Inaad ku qeyliso xaaladda ayay uga sii dareysaa. Ha noqon haweeney seygeeda qeylo ladaba kacda, waxaa tahay xaaskiisa mana ihid hooyadiis. Si aqyaarnimo ah ugala hadal wax kasta, qeylada waxba ma xaliso.

4. Marnaba seygaaga hala meel dhigin haweenka saaxiibadaa ah nimankooda. Xaas badan ayaa dambi ku gala taas. Qadari seygaaga oo garab istaag si uu uguuleysto.

5. Haweeney kasta waxaa laga rabaa inay nafteeda daryeesho, ma jiro nin raba haweeney aanan isdaryeelin oo labisan markuu la joogana aanan iscarfin hooygana aanan carfin. Wuxuu kaa rabaa seygaaga inaad Mar kasta isqurxiso,timaha iska habeey oo afkana iska cadeyso.

6. Mararka qaar usameey seygaaga cunno qaas ah, waxaa hubaal ah inuu aad u rabo isla markaana kugu qadarinayo.

7. Xaas kata waxaa laga rabaa inay noqoto taageeraha seygeeda, taasi waa quruxda guurka, ka caawi in riyooyinkiisa ay u rumoobaan adigoo taageeraya.

8. Waxaa lagaa rabaa in seygaaga aad ka dhigtid mudnaaanta koowaad,seygaaga ayaa wax kasta ka horeeya.

9. Haddii aad rabtid in guurkaaga uu noqdo mid guuleysta, waxaa lagaa rabaa in wax kasta si aqyaarnimo ah uga dalbatid seygaaga, ma ahan inaad wax u murantid.

10. Sida seygaaga aad uga fileysid inuu u qiimeeyo aragtidaada ayaa adigana lagaaga rabaa inaad tiisa u qiimeysid xaas ahaan, dhageyso seygaaga aragtidiisa.

Related Articles

Back to top button