XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Qaab Oo Fudud Balse Awood Badan Oo Aad Qadarin Ugu Muujin Karto Lamaantaada

Waxaa jira qaabab fudud oo aad qadarin ugu muujin karto lamaankaaga ama lamaantaada kuwaas oo xiriirkaaga ka dhigaya mid kalgaceyl ku dhisan.

  1. Ha ogaato qiimaha ay kuugu fadhiso/kuugu fadhiyo

U ogolaanshaha in lamaankaaga/lamaantaada ay ogaato qiimaha ay kuugu fadhiso/uu kuugu fadhiyo waa qaab wanaagsan oo aad ugu muujin karto qadarin lamaantaada/lamaankaaga.

Lamaantaada/lamaankaaga waxay dareemi doontaa/uu dareemi doonaa qadarin marka uu ogaado in meel weyn uu kaaga yaalo ama ay kaaga taalo.

  1. Qiimeey waqtigeeda/waqtigiisa

Dadka waxay u muuqdaan kuwo isku qiimeeya waxyaabaha gaar, balse waa qalad taas, qiimeey waqtiga ay kuusoo hurtay lamaantaada ama uu kuusoo huray lamaankaaga oo waqti sii.

  1. Ammaan

Ammaanta waa qaab kale oo aad qadarin iyo qiimo ugu muujin karto lamaankaaga/lamaantaada. Markaad ammaanto lamaantaada, waxaad ku reebtay saameyn wanaagsan; waxay dareemeysaa inay tahay qof qiimo leh.

  1. Qiimeey waxyaabaha ay xiriirka u sameyso ama adiga

Inaad ku qiimeyso waxyaabaha yar yare ee ay adiga kuu sameyso ama guurka ay u sameyso isla markaana aad ku qadariso, waa qaab wanaagsan oo aad ugu muujin karto qadarin.

  1. Taageer

Taageeridda yoolalka iyo riyooyinka lamaantaada/lamaankaaga waa qaab kale oo aad ugu muujin karto qadarin, qadari samirkeeda iyo rabitaankeeda kuna taageer.

Talooyinka waxay u ekaan karaan kuwo fudud balse waa talooyin awood leh oo aad qadarin ugu muujin karto, oo isbedel deg deg ah keenaya.

Back to top button