Wax Ka Ogoow Xanuunka Ku Dhaca Xiidmaha Kana Fogoow Waxyaabahan

Ulcerative colitis waa xanuun ku dhaca xiidmaha waa weyn ee caloosha lamana yaqaan waxa keena lakiin waxaa la isku waafaqay in ay tahay difaaca jirka oo weerara unigyada ku jira xiidmaha.

Difaaca jirka waxaa lagu tala galay in uu ka difaaco wixii weerar ku ah jirka sida bacteriyad iyo wixii la mid ah.

Markii uu unigyada difaaca uu weeraro xiidmaha waxaa meesha ka dhasha caabuq iyo in uu nabar yeeshaan xiidmaha iyo darbiga xiidmaha sidoo kale qofka waxaa lagu argkaa barar gudaha xiliga lagu fiirinayo camerada (flexible sigmoidoscopy).

Astaamaha lagu garan karo ulcerative colitis

Calaamadaha hoos ku qoran ayaa laga yabaa in aad isku aragtid.


✓Calool xanuun (Abdominal pain)
✓Cuna qaadashada oo hoos u dhacda
✓Shuban
✓Dhiig saxarada la socda
✓Daal fara badan
✓Misaanka oo hoos u dhaca
✓Lalabo
✓Daal

Talo guud
-Ka fagoow cunooyinka kugu kicin karo side basbaaska iyo wixii kulul.
-Yaree cabbida kafeega.
-Iska dhaq qudarta
-Ka fagoow cunooyinka badeerka ka buuxa sida (fiber food)
-Ka fagoow cunooyinka la shiilo.

W/Q:Dr.Cadceed

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button