5 Calaamadood Oo Muujinaya In Gacalisadaada Ay Daacad Kuu Tahay

Waxaa jira waxyaabo ay sameyso lamaantaada oo aad ku garan karto inay daacad kuu tahay iyo inkale.


Hoos ka aqriso.

1. Waxay kula wadaagtaa sirteeda

Haweeney daacad ah marnaba wax kaama qariso. Waxay kula wadaagi doontaa dhammaan siraheeda. Waa mid kugu kalsoon oo aanan dareemin inay wax kaa qariso. Waxay kuu sheegeysaa waxyaabo aysan qof kale u sheegin.


2. Mar walba waxay rabtaa inay kula hadasho/kula joogto

Haweeneyda daacadda ah had iyo jeer waxay rabtaa inay kula hadasho ama aad isku xirnaataan. Way ku xushmeyn doontaa, waqti kasta oo ay fasax leedahay waxay dooneysaa inay kula hadasho oo ay waqti kula qaadato. Tani waxay muujineysaa xiriir qoto dheer.

3. Waxay ku bartaa dadka aadka ugu dhow


Ma garaneysa dadka aadka ugu dhow? Haddii ay ku barto qoyskeeda iyo asxaabteeda ogoow inay tahay mid daacad ah.

4. Xiriirka ayay wax kasta kahor masrisaa

Haweeneyda daacadda ah xiriirka ayay wax walba kahor marisaa. Ma rabto in labadiina la idin soo dhex galo ama wax ay idin soo kala dhex galaan. Waxay sameyn doontaa wax walba si jacaylka loo ilaaliyo.

5. Wax kasta ayay u sameynee si ay kaaga farxiso

Haweeneyda daacadda ah waxay sameyn doontaa waxkasta oo ay awood u leedahay si ay kaaga farxiso. Waxay hubi doontaa in sina aysan kuu dhaawicin, waana calaamad lagu garto haweeneyda daacadda ah kaliya.

Fadlan aragtidaada hoos noogu reeb mahadsanid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button