UGAAR AH RAGGA: Afar Qaabood Oo Aad Ku Dhaawacdo Xaaskaaga

Wax ka ogoow 4 qaabood oo aad ku dhaawcdo xaaskaaga loona baahanyahay inaad iska ilaaliso haddii aad rabtid caafimaadka guurkaaga.

1. Wax kasta kama hormarisid

Maxaad u guursatay haddii aadan wax kasta kahor marineyn. Ragga badankood shaqadooda ayay ka hormariyaan xaasaskooda waana qalad. Xaaskaaga waxay ubaahantahay inaad hormarisid haddii aad rabtid in guurka uu shaqeeyo.

2. baahida qoyska ma dabooshid

Waa qalad in nin uu guursado haweeney qoys uu dhiso kadibna guriga uu fadhiisto isagoo filanaya in xaaskiisa at qoyska bixiso. Waa qalad weyn. Seey ahaan, waxaa lagaa rabaa adeegyada aasaasiga ah ee qoyska, xaaskaaga ha shaqeyso ama yeysan shaqeyn.


3. Jacayl uma muujisid

Xaaskaaga waxay kaa rabtaa in si joogto ah aad ugu muujiso inaad jeceshahay. “Waanku Jeclahay” oo maalin walba aad dhahdo kuma filno. Hadiyad u keen, casho iyo damaashaad uwad, u iibi fiyooreyaal, si joogta ahna u wac. Markaad xaaskaaga kalgacayl u muujiso dhib kasta ayay kuu maree.

4. Waad qiyaantaa

Sababtee aad u guursatay gabadha oo qoys aad u dhistay haddii aad haween kale raadineysid. Si xun ayaad u dhaawacday xaaskaaga markaad haween kale la haasaawdid oo aad la seexatid sababtoo ah waad qiyaantay, waxaad u sheegtay inaadan qiimeyn oo aadan xushmeyn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button