4 Siyaabood Oo Muhiim Ah Oo Dib Loogu Guuleysto Kalsoonida Ninkaaga/Xaaskaaga

Waxaan idiin soo gudbineynaa 4 siyaabood oo muhiim ah oo dib loogu guuleysto kalsoonida ninkaaga/xaaskaaga.

1. Raali gelin

Waa tallaabada koowaad oo ay tahay inaad qaado marka aad qiyaanto kalsoonida ninkaaga/xaaskaaga, waana inaysan kaa noqon raali gelin caadi ah, balse waa inay noqotaa mid kal iyo laab ah. Haddii aad dhaawacday xaaskaaga/ninkaaga, waa inaadan raali gelin caadi ah siinin balse ay noqotaa mid aad uga dhaqeyso xumaanta dibna ugu hananeyso kalsoonideeda.

2. Waxaa jirta sabab uu ninkaaga ama xaaskaaga ay u carootay


Inaad fahamto oo aad garato dareenkeeda waa arrin muhiim ah; waa inaad ogaataada inay jirto sabab uu ninkaaga uga caroodo ficiladaada.

Marka uu ninkaaga/xaaskaaga dareento in la qiyaanay , waxay kaa fileysaa inaad dareento xanuunka oo aad noqoto qof ogaada saabta ay u carootay iyo inay xaq u leedahay, taasi waa qeyb kamid ah bogsashada.

3. Dib u hano qalbigiisa/qalbigeeda mar kale


Waa inaad diyaar u noqotaa inaad dib u hanato qalbigiisa/qalbigeeda mar kale; waa inaad si walbo iskugu daydaa in isaga/iyada aad ka farxiso, waa inaad si wanaagsan ula dhaqantaa oo aad boogta ka daweysaa, ka qoslisii oo sameey waxyaabo ka farxiya si aad dib ugu hanato qalbigeeda.

4. Dulqaad

Dulqaadka waa waxa ugu muhiimsan markaad isku dayeeyso dib u hanashada kalsoonida lamaanahaaga.
Waa inaad noqotaa mid si wanaagsan ugu dulqaata xaaskiisa, waana inaad u ogolaataa inay si wanaagsan u bogsato.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button