6 Calaamadood Oo Lagu Garto In Ninka Uu Doonayo Inuu Mustaqbal Kula Wadaago

Kadib markaad nin shukaansato ama la haasaawdo muddo waa iska caadi in haweenka ay la yaabaan haddii ninkaas uu rabo inuu mustaqbal la wadaago. Waxaa jira calaamado dhab ah oo kaa caawin kara inaad ogaato in ninka uu doonayo inuu mustaqbal kula wadaago.


Hoos ka aqriso

1. Waaku faraxsanyahay inuu qorshe mustaqbal kula sameeyo

Ninka aanan rabin inuu mustaqbal kula sameeyo kaalama hadlaayo arrimo mustaqbal. Xittaa wuu caroonayaa markaad kala hadasho arrimo iyo caruur. Haddii uu mustaqbal kaa rabo, waaku farxaa inuu qorshe yaashaas kaala hadlo.


2. Wuu kugu kalsoonyahay

Ma jiro nin mustaqbla ka raba haweeney uusan kalsooni ku qabin. Haddii uusan kalsooni kugu qabin, ma rabo inuu mustaqbal kula wadaago.

3. Mar ksta farxaddaada ayuu rabaa


Ninka raba inuu mustaqbal kula wadaago mar kasta waxa uu sameyn doonaa wax kasta si uu kaaga farxiyo gabaryahay. Wuu necebyahay inuu arko haweeneydiisa oo murugeysan waana mid ku dadaala sidii uu uga farxin lahaa.

4. Waxaad qeyb ka tahay qorshihiisa nolosha

Ninka marka uu rabo inuu mustaqbal la wadaago haweeney wuxuu ku darayaa qorshayaashiisa nolosha.

5. Waqti uu kugu arko ayuu sameeyaa

Marka uu nin si dhab ah u jecelyahay haweeney isla markaana uu doonayo inuu mustaqbal la wadaago, mar walba waqti ayuu sameynayaa si uu arko ama uu u Waco dhib malahan mashquulka uu yahay. Wuuku raaxeystaa waana jecelyahay wehelka xaaskiisa. Waxa uu rabaa inuu maalmo iyo habeenno waqti la qaato iyo waqtiyada uu fasaxa heysto.

6. Indho kale malahan

Marka uu nin si dhab ah u jecelyahay haweeney isla markaana uu mustaqbal ka rabo, ma jirto naag kale oo dhibaato ku keeneysa noloshiisa. Ma doonayo in xaaskiisa ay maseerto isla markaana ay aragto inuu naago kale radinayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button