ARIMAHA BULSHADALAYAABKA

NAXDIN: Haweeney Ka Sheekeeysay Sida Ay Mas U Naas Nuujisay

Haweeney u dhalatay dalka Kenya ayaa ka naxsatay dad farabadan kadib markii ay sheegtay in lagu qasbay inay naasnuujiso mas joogay guriga nin horey u furay oo kuyaala degmada Siaya ee dalka Kenya.

Iyadoo dhacdadaan uga sheekeyneysay wariyaha lagu magacaabo Masawe Japani, oo ka tirsan Radio Jambo, haweeneyda ayaa sheegtay in ninkeeda sanado dhowr sano kahor ay kula kulantay magaalada Bungoma.

Waxay sheegtay inay wada noolaayeen isla markaana ay u dhashay canugii koowaad. Markii uu dhashay canuggii labaad ayaa ninkeeda waxa uu usheegay in la joogo waqtigii ay bixi lahaayeen isla markaana ay booqan lahaayeen walidiintiisa oo ku nool degmada Siaya.

“Markii aan tagnay guriga, waxaa la iisheegay inay jiraan sadex ruux oo booqasho ah oo imaan doona, waana inaadan argagixin. Waxaan mooday in dad booqasho ah oo caadi ah ay yihiin,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in dad booqashada ah ee yimaaday inay ahaayeen saddex mas oo aad u waaweyn.

“Kii koowaad dhabarkeyga ayuu kusoo socday halka mid kale uu naasaha iga nuugay. Habeen ayay ahayd, ma jirin waxaan sameyn karay,” ayay tiri.

“Waxaa la iisheegay inaan noqon doona kan quudiya masaska. Waxaa la iisheegay inaan diyaariyo boorash aanan sonkor lahayn isla markaana aad quudiyo masaska anigoo jilba jabsan,” ayay tiri haweeneyda.

Waxay sheegtay in hooyga ninkeedii hore ay ku yaalaan 28 qabuur, iyadoo sheegtay qabuurahaas ay ku aasanyihiin dad ay cuneen masaska.

Haweeneyda ayaa waxa ugu dambeyn u suurtagashay inay kasoo baxsato guriga.

Related Articles

Back to top button